Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qamisnaansho  ld qamisnaan.
qamiso  Awr qamis gashasho (qof).
qammaac1  Buuq; yulqan. qammaac2  Buuq ama yulqan badan sameyn (cid). qammaacid  eeg qammaac².
qammaad1  1. Baajinta ama ka wareegidda wax sameyntooda. 2. Miyir doorsoomidda lala miyirdoorsoomo harraad, gaajo iyo daal badan. 3. Leexashada meelhalis ah laga leexdo. 4. ld qammaadid. qammaad2  1. Harraad, gaajo iyo daal badan la miyirdoorsoomid. 2. Ka q.: wax sameyntooda ama meel mariddeed ka wareegid. qammaadi  1. Ka q.: cid meel xoog kaga celin. 2. Ka q.:wax meel halis ah ka weecin.
qammaadid  eeg qammaad². ld qammaad¹ (4).
qammaadin  eeg qammaadi.
qammaadsan  Harraad, gaajo iyo daal awgii wax la miyirdoorsoomay ahaansho.
qammaadsanaan  eeg qammaadsan. ld qammaadsanaansho.
qammaadsanaansho  ld qammaadsanaan.
qammaamiir  ld qammaamuur.
qammaamuur  Ragga intiisa qiimaha iyo qaddarinta ku leh bulshada dhexdeeda. ld qammaamiir.
qammi  ld hammi¹.
qamuunyeeysan  Wax ciil iyo caro awgeed bushimaha la qaniinaaya ahaansho.
qamuunyeysnaan  eeg qamuunyeeysan. ld qamuunyeeysnaansho.
qamuunyeysnaansho  ld qamuunyeysnaan.
qamuunyo  Ciil iyo caro badan oo bushinta hoose lala qaniino.
qamuunyoo  Ciil iyo caro badan darteed faruuryo la qaniinid.
qamuunyood  eeg qamuunyoo.
qamuuri  Wax dedid.
qamuurin  eeg qamuuri. ld qamuuris.
qamuuris  ld qamuurin.
qamuursan  Wax la deday ahaansho.
qamuursanaan  eeg qamuursan. ld qamuursanaansho.
qamuursanaansho  ld qamuursanaan.
qan  Jurmi.
qanaan1  Q. ah: nafley madax-adag oo aan la hoggaamin karin.
page : 1185 of 1584
<< < 1180 1181 1182 1183 1184 1185 1186 1187 1188 1189 1190 > >>

 

Exit mobile version