Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: silqo
xajiimo ld xajiin².
xajiimoo Xajiin da-reemid.
xajiimood eeg xajiimoo.
xajiin (1) Geed yar oo leh caleemo xaadi ku rogantahay iyo dhacaan cuncun deran ku reeba wixii uu taabto.
xajiin (2) Cuncun haraggu dareemo oo oogadu aad u kahato oo waxyaalo kala gaar ah laga qaado (sida: dhirta qaarkeed, habaaska, cunnada, iwm); cadanyo; caaro. ld xajiimo.
xajiinbadeed Bahal badda ku nool; qasaanqas.
xajiinmadow Geed-xajiin xooluhu daa-qaan.
xajiintir Maro ama jawaan jilicsan oo marka awrta la rarayo kebdaha laga xijiyo.
xajin eeg xaji².
xajiyid eeg xaji¹.
xajmi Derbi iwm inta qiradiisu le'eg tahay; jurmi.
xakaamad ld xukun¹ (3).
xakaar (1) Dhibaato; kadeed.
xakaar (2) Shiddo la kulmid.
xakaarid eeg xakaar².
xakab 1. Qoryo ceelka afka laga saaro; makaab. 2. Sallaanka meelihiisa cagta la saa-ro.
xakamayn eeg xakamee.
xakamaysan Wax la xakameeyey ahaansho.
xakamaysnaan eeg xakamaysan. ld xakamaysnaansho.
xakamaysnaansho ld xakamaysnaan.
xakame Bir iyo suuman isku xiran oo faraska afka iyo madaxa loo geliyo oo lagu qabto laguna duwduwo.
xakamee Xakame gelin (faras).
xakumid ld xukumid.
xakun ld xukun².
xal Maaro; mushkilo ama mas'alo maaro u helid.
xal (1) Biyo yar oo wax lagu dhaqay.
xal (2) Biyo yar weel ku mayrid.
xalaal Wax shareecadu bannaysay oo lagu dhaqmi karo.
xalaalayn eeg xalaalee. ld xalaalays.
xalaalays ld xalaalayn.
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>

 

Exit mobile version