Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qawley  Mindi xoog badan oo hilbaha lagu googooyo.
qawlid  eeg qawl².
qawmiyad  Jinsiyad. ld qowmiyad.
qawqab1  ld qabaanqab¹. qawqab2  ld qabaanqab³. qawqabid  ld qabaanqabid.
qawrar1  Dildillaac yaryar oo jirka nafleyda, dhulka derbiyada iwm yeeshaan marka uu kulayl ama qabow badan ku dhaco. qawrar2  Jir nafley, dhul, derbi iwm dildillaac yaryar yeelasho kulayl ama qabow dartii. qawrarid  eeg qawrar².
qaws  Laba calaamadood oo bil u eg, iskana soo horjeeda oo ereyada, hadallada iwm la dhex gesho middood. ld qows.
qawsasho  eeg qawso. ld qawsi.
qawshad  eeg qawsho.
qawsho  Calaalin (gocoso, goon).
qawsi  ld qawsasho.
qawsii  Shanqar “qaw” ku dhalin.
qawsiin  eeg qawsii.
qawso  Dab kulaalid.
qax1  Guuriitaan meel si degdeg ah looga cararo cabsi awgeed. qax2  Cabsi awgeed meel si degdeg ah uga guurid. qaxaab1  Nin saani ah oo macsida aad u jecel; dhilley. qaxaab2  1. ld qaxaabad. 2. Godad bahala galeen ah. qaxaabad  Naag jirkeeda ka ganacsata; dhillo.
qaxaabnimo  Qaxaab ahaansho.
qaxaanqax1  Qaylada ay samayso dooradu marka ay ukun dhali rabto. ld qaxaanqixid, qaxanqax¹. qaxaanqax2  Dooro ukun dhali rabta qaylo samayn. ld qaxanqax². qaxaanqixid  eeg qaxaanqax². ld qaxaanqax¹, qaxanqax¹, qaxanqixid.
qaxan1  1. Q. ah: dhuxul shidan oo aan dambas dusha ka fuulin. 2. ld qaxmid. qaxan2  Dhuxul, wax shidmay noqosho. qaxanqax1  ld qaxaanqax¹, qaxaanqixid. qaxanqax2  ld qaxaanqax².
page : 1205 of 1584
<< < 1200 1201 1202 1203 1204 1205 1206 1207 1208 1209 1210 > >>

 

Exit mobile version