qeexan Wax la qeexay ahaansho.
qeexid eeg qeex.
qeexnaan eeg qeexan. ld qeexnaansho.
qeexnaansho ld qeexnaan.
qeyd Cad yar oo maro ah oo ilaa laba yaardi dhan oo sida badan ay carruurtu qaataan.
qeydaddaar Qof qaynuunka aqoon u leh.
qeydar (qeydar, m.dh) 1. Geed weyn, dheer oo qodxo leh oo balliyada ka baxa. 2. Balli yar.
qeydin 1. Ul weyn; siiqe. 2. Ul yar; dhenged.
qeydo 1. Qaynuun. 2. Ogaal.
qeynuun ld qaanuun.
qeyr 1. Laba nafley ama ka badan oo d'adooda isku mid tahay. 2. Khayr. ld qayr.
qeyrabbax 1. Dad dagaal in ay u baxaan diyaar u ah. 2. Shinnida marka ay guureyso.
qeyro 1. Dad meel miyi ah wada deggen. 2. Beesha shinnida.
qiblad ld qiblo.
qiblee Wax dhanka qiblada u jeedin.
qibleyn eeg qiblee.
qibleysad ld qibleysasho.
qibleysan Wax dhanka qiblada u jeeda ahaansho.
qibleysasho eeg qibleyso.
qibleysi ld qibleysasho.
qibleysnaan eeg qibleysan. ld qibleysnaansho.
qibleysnaansho ld qibleysnaan.
qibleyso 1. (f.g) Cid qiblo u jeedsasho. 2. (f.mg) Waxqiblo u jeedsasho.
qiblo 1. Jahada kabcada oo ay muslimiintu u jeestaan marka ay dukanayaan. 2. (-ooyin, m.l) Jaho. ld qiblad.
qiic1 ld qaac¹. qiic2 ld qaac². qiici ld qaaci.
qiicid ld qaacid.
qiicin ld qaacin.
qiil Wax la cuskado oo shirci ah oo aan aad u weyneyn, laakiin caqli gal ah.
page : 1212 of 1584
<< < 1207 1208 1209 1210 1211 1212 1213 1214 1215 1216 1217 > >>