qiilqiil 1. Xaalad halis ah. 2. Q. ah: ciriiri badan oo wax helitaankoodu galo.
qiimabbarar Kor u kicidda qiimaha badeecada; sicirbarar.
qiimad ld qiime.
qiimadhac (dhaq.) Hoos u dhicidda qiimaha badeecadda.
qiimaha sugan ee leeb (xis.) Dhererka leebka iyadoo aan la tixgelin jihada leebka. Qiimaha sugan ee lebka xi+yi+zk waa xidid labajibbaarka wadarta labajibbaarka xubnihiisa, taas oo ah, jihada leebka. Qiimaha sugan ee leebka xi+yi+zk waa xidid labajibbaarka wadarta labajibaarka xubnihiisa, taas oo ah, /xi+yi+zk/ = x2+y2+z2
qiimaha sugan ee tiro maangal ah (xis.) Tiro togan oo laxaadkeedu la mid yahay tiro la isa siiyey. Summadda qiimaha sugan ee tirada A waxaa loo qoraa A. Qiimaha sugan ee tirada 6 waa 6, qiimaha sugan ee - 6 waa 6.
qiimaha sugan ee tiro murakab ah (xis.) Xidid labajibbarka wadarta labajibbaarada ee qaybteeda maangalka iyo qaybteeda khayaaliga ah. Waxa kale oo la yiraahdaa laxaadka tiro murakab ah.
qiimasheeg Warqad ay ku qoran tahay kharashka ku baxay badeeco meel loo diray, qaa'imad.
qiimayn eeg qiimee. ld qaymeyn.
qiime 1. Sicirka ay joogto badeecadi. 2. Waxtarka nafley ama wax kale ay leeyihiin. ld qayme, qiimad, qiimo.
qiime tamar-gubasho (fiis.) Kulka ka soo baxa gubashada halkii halbeeg ee cufka walax. Qiimaha tamar gubashada waxaa loo isticmaalaa in lagu ogaado qiimaha tamarta shidaalka. Badanaa waxa lagu cabbiraa meega-juul halkii kiiloogaraam (mj/kq).
qiimee 1. Nalfey, badeecad iwm qiimahooda sheegid. 2. Cid sharfid. ld qaymee.
qiimi ld qiime.
qiimo ld qiime.
qiiq1 1. Q. isku qarin: hargalulid (qof), iska yeelyeelid (qof). 2. ld qaac¹. qiiq2 ld qaac². qiiq-iskuqarin Wax aan la ahayn oo la iska yeelo si loo maldaho xumo la sameeyey ama la sameyn doono. ld qiiq-iskuqaris.
qiiq-iskuqaris ld qiiq-iskuqarin.
qiiqaab1 ld qaac¹. qiiqaab2 ld qaac². qiiqaabid ld qaacid.
qiiqbiyood Uumi-biyood.
qiiqi ld qaaci.
qiiqid ld qaacid.
qiiqin ld qaacin.
qiiqsasho eeg qiiqso.
qiiqso Uunsi iwm shidasho.
qiiraqiiro Xaalad adag ama halis ah oo ay cidi ku sugnaato. ld qirinqiir.
qiiro Dareen ficiltan ku jira oo dadka ku dhasha.
qiiroo Qiiro dareemid.
page : 1213 of 1584
<< < 1208 1209 1210 1211 1212 1213 1214 1215 1216 1217 1218 > >>