Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qisood  ld qisayn.
qix  ld kix.
qixi  1. Si degdeg ah cid meel uga rarid cabsi awgeed. 2. Dab si degdeg ah u ololin. ld qaxi.
qixid  eeg qax². ld qaxid.
qixin  eeg qixi. ld qaxin.
Qiyaali  eeg Khiyaali.
qiyaame  1. Maalinta wixii dhintay oo dhan la soo nooleeyo oo wanaagga iyo xumaha qof walba sameeyey la xisaabo. 2. Dhib; shiddo; hoog.
qiyaas1  (dii.) Qayb ka mid ah tiirarka sharciga Islaamka oo la adeegsado marka arrin la xukumayo laga waayo quraanka, xaddiiska iyo ijmaaca. qiyaas2  1. Cabbirka xag mug, dherer iyo culays ee wax leeyahay. 2. Oddoros; male. qiyaas3  1. Mugga culayska, iyo dhererka ee wax leeyahay cabbirid. 2. Wax oddorosid. 3. Ku q.: wax in ay wax kale la egyihiin iyo in kale ku eegid. qiyaas-khariidadeed  (juqr.) Saamiga fogaanshaha laba barood oo khariidadda dusheeda ah iyo fogaanshaha runta ah ee uu u taaganyahay.
qiyaasan  1. Wax muggooda, dhererkooda iyo culayskooda la cabbiray ahaansho. 2. Ku q.: wax meel ama wax kale ku aaddan ahaansho.
qiyaasid  eeg qiyaas³.
qiyaasnaan  eeg qiyaasan. ld qiyaasnaansho.
qiyaasnaansho  ld qiyaasnaan.
qob  1. Diir; dub; qolof. 2. Qof ducadiisa ama habaarkiisu kaco.
qobbe  Dhaxan qabow oo habeenkii soo dhacda; nadwad; dheel.
qobbo  Geed caleemo balballaaran oo saliid leh.
qoble  Roob muddo dheer da'a oo aan biyo dhigin.
qobo  Dhaxan aad u qabow oo habeenkii soo dhacda.
qobosh  Nafley lab oo gaboobay.
qobtol1  Heeryo qaab joodari leh oo ka samaysan caws adag oo maryo jiljilicsan dusha kaga dahaaran yihiin. qobtol2  Heeryo qaab joodari u tolid iyadoo maro jilicsan dusha looga dahaarayo. qobtolan  Heeryo wax la qobtolay ahaansho.
qobtolid  eeg qobtol².
qobtolnaan  eeg qobtolan. ld qobtolnaansho.
qobtolnaansho  ld qobtolnaan.
qod1  Wax iswato qayb ka mid ah. qod2  Qori weyn oo qalalan. qod3  1. Dhinac; gees. 2. Qayb; in.
page : 1215 of 1584
<< < 1210 1211 1212 1213 1214 1215 1216 1217 1218 1219 1220 > >>

 

Exit mobile version