Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qoortool  Nafley lab oo hal xiniin ah (muqaal ahaan); raaytool.
qoorxayd  Neef ido ah oo qadaad cad.
qoorxayo  Neef ido ah oo qadaad cad.
qoorxir  1. Maro xariir ah, xalleefsan oo si gaar ah u tolan oo shaarka luquntiisa lagu xirto. 2. Suun dumaysan oo heensaha ka mid ah.
qooryalo  Neef geel ah oo aan koori lahayn.
qooryoomid  eeg qooryoon².
qooryoon1  1. Harrad. 2. Dayow; wareer. qooryoon2  1. Harradsan. 2. Dayowsan; wareersan. qooryoon3  Oon daran. qooryoon4  Oon aad u daran dareemid. qoosh1  1. Budo badan oo hoore yar lagu qasay. 2. Cajiin. Waxyaabo badan, kala duwan oo la isku daray. qoosh2  1. Budo hoore yar ku qasid. 2. Cajiin sameyn. 3. Isku q.: waxyaabo badan oo kala duwan iskuqasid. qooshan  Wax, wax kale lagu qooshay ahaansho.
qooshid  eeg qoosh².
qooshnaan  eeg qooshan. ld qooshnaansho.
qooshnaansho  ld qooshnaan.
qoosiherin  Ninka horjoogaha u ah herinta.
qoox  1. Ul, qaanso iwm qalloocin. 2. Is q.: qof xarrago isla godid.
qooxan  Qof wax is qooxay ahaansho.
qooxid  eeg qoox.
qooxnaan  eeg qooxan. ld qooxnaansho.
qooxnaansho  ld qooxnaan.
qooy  ld qoo.
qoqob1  1. (xis.) Qayb ka mid ah xarriiq ama xood oo u dhexeeya laba barood oo ku yaalla xarriiqda ama xoodka. 2. (xis.) Gobol u dhexeeya boqonka goobo iyo qaansada ku aaddan ee gooya boqonka. Tusaale ahaan, bedka u dhexeeya boqon goobo iyo qaansada ku aaddan waa qoqobka goobada. qoqob2  1. Dhis, raro, ood iwm oo lagu kala qaybsho guri, xero iwm. 2. Dhul yar oo hareeraha ka xaydaaman. 3. Karantiil. qoqob3  1. Xero ama aqal gudahiisa dhis ku kala goyn. 2. Nafley karantiilid. qoqob-horraad-maskaxeed  (c.nafl.) Qoqobka hore ee qayb bareed walba ee maskaxda kuna fadhiya ilaa xagga dambe xarriiqda dhexe.
qoqoban  Xero, aqal iwm wax la qoqobay ahaansho.
qoqobgoo  Ilmaside wareegsamay ama afkiisu qalloocmay farsamayn.
qoqobgoyn  eeg qoqobgoo.
page : 1224 of 1584
<< < 1219 1220 1221 1222 1223 1224 1225 1226 1227 1228 1229 > >>

 

Exit mobile version