raadgoob2 1. Waxa maqan meesha uu maray baarid. 2. Wax maqan doonid. raadgoobid eeg raadgoob². ld raadgoob¹.
raadgooyn eeg raadgoo.
raadgooyo Hab loo raadiyo xoolaha dhuma ama wixii kaloo la raadinayo.
raadgur1 1. ld raadgurid. Doonidda wax maqan meesha uu maray. 2. ld raadgurid. Baaridda arrin iyada oo la eegayo sidii ay u dhacday. 3. Tuug wax qaaday si uusan ula fogaan sixir lagu sameeyo. raadgur2 1. Wax maqan meesha uu maray doonid. 2. Tuug si uu u soo celiyo wixii uu qaaday sixrid. raadgurid eeg raadgur². ld raadgur¹ (1,2).
raadguur1 Cirib go'idda wax jiri jiray ay cirib go'aan. raadguur2 Wax jiritaan-kiisa tirtirmid. raadguurid eeg raadguur².
raadi 1. Wax raadkiisa doonid. 2. Wax maqan meesha uu ku suganyahay doonid. 3. Wax baarid.
raadin eeg raadi. ld raadis.
Raadineyso 1. Wax rabid. 2. Wax raadin.
raadis ld raadin.
raadiye 1. Qalab elek-taroon ah oo wararka dira lagana baahiyo. 2. Saldhigga wararka laga diro. ld raadi-yow.
raadiyografi (daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
raadiyoom (kiim.) Curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam-226 (cimri-badheedkeeduna ya-hay 1602 sano).
raadiyow ld raadiye.
raadka dobler (fiis.) Isbeddelka muuqda ee rakaadka ileyska ama jabaqda ay bixisay walax soconaysa, marka loo eego ilaaliya taagaan. Marka ay walaxdu ku soo socoto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid kororsan; marka ay walaxdu dhaafto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid hooseeya.
raadka footoodanabeed (fiis.) Bixinta elektaroonno ee dusha biraha, marka lagu kaahiyo hirarka, birlabdanabeedka. Tirada elektaroonnada ee baxay waxa ay ku xiranyihiin itaalka kaaha.
raadqaad1 1. Wax la raadinayo oo raadkooda la dabaggalo. 2. Sixir. raadqaad2 1. Raad baarid, raadraacid. 2. Qof sixirid si uu meesha uu ku nool yahay uga cararo. ld raadgan. raadqaadan Wax sixran ahaansho.
raadqaadid eeg raadqaad. ld raad-gamid.
raadqaadnaan eeg raadqaadan. ld raadqaadnaansho.
raadqaadnaansho ld raadqaadnaan.
raadraac1 Baarid la sameeyo si arrin hore u dhacday xaqiiqdeeda loo helo. ld raadraacid. raadraac2 Arrin hore u dhacday xaqiiqdeeda raadin. raadraacid eeg raadraac². ld raad-raac¹.
raadreebid Waxyaabaha loo keydiyo taariikh ahaan.
page : 1246 of 1584
<< < 1241 1242 1243 1244 1245 1246 1247 1248 1249 1250 1251 > >>