Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhabataysi
raalliyanimo  Raalliyo ahaansho.
raalliyo  R. ah: haweenay ninkeeda u dhego nugul ah. ld raalliyad.
raamayn  eeg raamee.
raamaysasho  eeg raamayso.
raamayso  1. Raan yeelasho (qof ama geed). 2. Qof maskaxda wax uga dhimanyihiin noqosho.
raamee  Wax raan u yeelid.
raamo  1. Dhul daaqa xoolaha ku wanaagsan oo ciid cad, jilicsan leh. 2. eeg raan.
raamsasho  ld raabsasho.
raamsi  ld raabsasho.
raamso  ld raabso.
raan  1. Miiqyo dun ah oo isku maran oo maro dacalkeeda laga laallaadsho. 2. Timo ama dhogor isku guntan. 3. Geed laamihiisa buulal shimbi-reed ama cutubcutub miro ahi ka laal-laadaan.
raanbi  Raar yar oo aqal Soomaaliga la dhex geliyo, oo la saaro weelasha si aan aboorka u cunin.
raandayn  eeg raandee. ld randays.
raandays  ld raandayn.
raandaysan  Wax raando lagu simay ahaansho.
raandaysnaan  eeg raandaysan. ld raandaysnaansho.
raandaysnaansho  ld raandaysnaan.
raandee  Alwaax raando ku simid.
raandhiis  R. leh: waxtar raaga oo dhaxal gal ah.
raando  Qalab ka kooban alwaax bir af dhexda ku leh oo lagu simo alwaaxda.
raani  Warqad turub, ranka ka tirsan oo boqoradi ku sawirantahay. ld raaniyad.
raaniyad  ld raani.
raansow  ld raasow.
raaqraaq  Muddo noo-laansho.
raaqraaqid  eeg raaqraaq.
raaqraaqin  Siima raaqraaqin: siima jirin, siima noolaan.
raar1  1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iwm oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iwm. 3. Qoryo, dhagxaan iwm oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo. raar2  1. Guriga gudihiisa qaybta dambe ee saabaanka muhiimka ah la dhigto. 2. Sariir qoryo ka samaysan. raar3  1. Wax meel sare saarid. 2. Raar dhisid. raarac1  1. R. ah: meel hoobad ah. 2. ld raaricid.
page : 1248 of 1584
<< < 1243 1244 1245 1246 1247 1248 1249 1250 1251 1252 1253 > >>

 

Exit mobile version