rabshaysnaan eeg rabshaysan. ld rabshaysnaansho.
rabshaysnaansho ld rabshaysnaan.
rabshee ld ra-bash².
rabshi Xaarka shimbiraha oo beeraha lagu bacrimiyo.
rabshid eeg rabash².
rabsho ld rabash¹.
rabshoobid eeg rabshow.
rabshow Wax rabsho la kulmay noqosho (nafley).
rac Kooxo nafley ah oo si nidaam leh isu dabajooga middood.
racayn (1) Kooxayn ama xulid tiro waxyaaleed iyada oo aan loo eegin orsa-naan.
racayn (2) Hormo urur kasta ee uu urur walxood iyada oo aan la tixgelin horsanaanta sida loo kala xushay. Haddii 'r'walxood laga xushay urur 'n'kutirsane leh oo weliba walax kastana la xulan karo mar keliya. Tirada racaymaha kaladuwan waa: n!/[r!(n-r)!] loona qoro nCr ama C(n,r)[r!(n-r)!]Tusaale ahaan, haddi fasal ay ku jiraan 15 arday ay ka dhexeeyaan 5 buug oo keliya, marka buug kasta waa in ay saddex arday wadagaan, inta siyaalo ee loo ratibi karo waa: 15!/[3!(15-3)!] ama 455.
racfaan ld rafcaan.
racrac Koox koox.
racracayn eeg racracee.
racracee Nafley racrac u qeybin.
rad 1. Badar wax la qooyay oo jilcay noqosho. 2. Maro muddo biyo ku dhex jirid.
radaq ld raqad.
raddi 1. Markhaati burin. 2. Cid dhaar lagu helay cid kale ku wareejin.
raddigal Col kayd ah oo marka wax la weerarayo loo kaydiyo difaac ahaan.
raddin eeg raddi. ld raddiyid.
raddiyid ld raddin.
radeeb (1) 1. R. ah: mindi, waran iwm oo aan af wax gooya lahayn. 2. radeebid.
radeeb (2) 1. Mindi, waran iwm wax la radeebay noqosho. 2. Ciid, dhagax iwm wax hoos loo nabay noqosho.
radeeban 1. Mindi, waran iwm wax la radeebay ahaansho. 2. Ciid, dhagax iwm wax hoos loo nabay ahaansho.
radeebid eeg radeeb². ld radeeb¹ (2).
radeebnaan eeg radeeban. ld radeeb-naansho.
radeebnaansho ld radeebnaan.
radi (1) Nooc dhurwaaga ka mid ah oo dadka cuna.
radi (2) Badar si uu u jilco biya la dhigid.
radid eeg rad.
<< < 1248 1249 1250 1251 1252 1253 1254 1255 1256 1257 1258 > >>