Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gur
ramaalo   Dhul ku gurguurasho.
ramaas  Caws yaryar, jilicsan oo dhulka ka soo baxda marka roobku da'o.
ramad  ld ramag.
ramadaan  Bisha dadka muslimiinta ahi soomaan.
ramag  Geel markaa dhalay. ld ramad.
ramal   1. Qori weyn oo la shito. 2. Cinjir; rabar. 3. Faalka dhulka lagu dhigo.
ramalee   Ramal dhigid.
ramaleyn  eeg ramalee. ld ramaleys.
ramaleys  ld ramaleyn.
ramasho  eeg ramo. ld ransad, ransasho, ransi.
rambas  Ciyaar turub (shamboolo, beecshuro iwm) oo qofkii booleystay intii laga rabay in ka yar qabta.
ramo   Labaraafle dhalay ilmihiisa xab ka leefleefid. ld ranso.
ran  Warqadaha turubka inta sawirka leh iyo yeekaha.
ranji1  ld rinji¹. ranji2   ld rinji². ranjile  ld rinjile.
ranjiyayn  ld rinjiyid.
ranjiye  ld rinjile.
ranjiyee   ld rinji².
ranjiyid  ld rinjiyid.
ransad  ld ramasho.
ransasho  ld ramasho.
ransi  ld ramasho.
ranso   ld ramo.
raq1  Neef xoolaad oo dhintay ama la qalay. raq2   1. Hoore afka ku cabbid iyada oo aan la adegsanayn gacmaha (qof). 2. Xoolo biyo waran cabbid. raqad   Badar iwm cajiin ka dhigid. ld radaq.
raqas  Wasakhda hoore meel ku jira hoos uga degta.
raqay  1. Geed dheer, caleemo yaryar, oo dhalo miro quullaha u eg oo dhanaan; xamar. 2. Miraha geedka raqayga.
raqdan   Badar wax la raqday ahaansho. ld radqan.
page : 1259 of 1584
<< < 1254 1255 1256 1257 1258 1259 1260 1261 1262 1263 1264 > >>

 

Exit mobile version