Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gur
ribad  ld ribasho.
ribasho  eeg ribo². ld ribad.
ribee   1. Cid masabidid. 2. U r.: cid u hanjabid.
ribeyn  eeg ribee.
ribinriibid  eeg ribinriib.
ribisaar1  ld rubisaar¹. ribisaar2   ld rubisaar². ribisaarid  ld rubisaarid.
ribix1  Faa'iidada wax laga helo. ribix2   Wax faa'iido ka helid. ribmidab  (fiis.) Qiyaasta tayada muuqaalka midab. Midabbada caddaan, madow ma laha ribnaan midab, waxana la yiraahdaa waa midabyo haydh leh. Ribmidab waa astaanta midab ka dhigta casaan, buluug, cagaar iwm.
ribnaan  (kiim.) Xaddi walax ah oo ku jira halbeeg-muggeed milan ah. Halbeegga ribnaantu waa mool dm(-3). Ribnaan cufeedku waa cufka milmaha ku jira halbeeg-muggeed kasta. Ribnaanta mool-lani waa inta mool ee milmaha ku jirta halbeeg-muggeed kasta. Ribnaanta moolal waa xaddi walaxeedka ku jira hal kiiloo-garaam oo milaha ah.
ribo1  Hanti dulsaar ah oo laga qaato hanti la is amaahiyay. ribo2   Nafley salka ku siqid. ribxid  eeg ribix².
ricidh   (c.nafl.) Mid kasta oo ka mid ah lafaha sameeya taxa lafdhabarta. ld ricir (1).
ricir   1. ld ricidh. 2. Buur yar oo dhul siman ku taal.
rid   1. Wax hoos u sii deyn. 2. Qof jago ama dhibco ka qaadid. 3. Xabbad, waran iwm gannid. 4. Wax wax kale dul saarnaa ka tuurid. 5. Ka r.: dugaag ama tuug wax uu sito ka dhigid. 6. Ku r.: xoolo ama dad jid ay maraan ku hagaajin. 7. U r.: meel ama weel gudihiisa wax gelin si wax ku jira loogala soo baxo. 8. Isha ka r.: arrin xalkeeda asiibid. 9. Dib u r.: arrin fulinteeda dib u dhigid.
ridan   Xabbad wax la riday noqosho.
ridasho  eeg rido.
riddaami   Wax culus hore u riixid.
riddaamin  eeg riddaami.
riddo  1. Waran, hooto iwm oo si xoog leh loo tuuray. 2. Diin lagu jiray oo laga baxo, laga noqdo.
riddoobid  eeg riddow². ld riddow¹.
riddow1  Ka bixidda laga baxo diinta Islaamka. ld riddoobid. riddow2   Diinta Islaamka ka bixid. ridid  eeg rid.
ridim  (muus.) Dhawaaq si darandoorri ah iskaga dabadhaca.
ridiq1  1. R. ah: cajiin. 2. ld ridqid. ridiq2   Badar cajiimid.
page : 1266 of 1584
<< < 1261 1262 1263 1264 1265 1266 1267 1268 1269 1270 1271 > >>

 

Exit mobile version