riixo 1. Qof dhan wax u iidasho. 2. Wax dilindilleysasho.
riixtin ld riixdin.
rikaab ld rakaab.
rikoor Qalab codka duuba, oo ku shaqeeya koronto ama bateriyo.
rillayn eeg rillee.
rillee Qof raalli ka dhigid.
rillo Raalli.
rimawarow Dhimasho kedis ah oo ku timaadda idaha baad la'aan awgeed.
rimci Qof jug la siiyay darteed isku laabasho.
rimcin eeg rimci.
rimi Dheddig ilma galeenkeeda ilmo gelin.
rimic 1. Wax lix iyo toban meelood loo qaybiyay meeshood, “1/16”. Tus. Hasha la shireystey rimic iga sii. 2. Dheeraad; suubis.
rimid eeg rin.
rimin eeg rimi.
riminrimo Geedgaab leh caleemo yaryar oo markuu geelu daaqo ka qaado cudur qoorta jebiya.
riminrinco Geedgaab leh caleemo yaryar oo marka uu geelu cuno cudur qoorta jebiyaa ku dhaco.
rimman Nafley dheddig wax rimay ahaansho.
rimmanaan eeg rimman. ld rimma-naansho.
rimmanaansho ld rimmanaan.
rimmay1 Ilmaggaleen; min. rimmay2 Geela ama xoolaha inta rimman. ld rimmayo. rimmaybaarid Baaridda neef dheddig oo lo'ah laga baaro rimmay.
rimmaygacmeed Mino-ku-shubidda neef tabsan lagu shubo mino.
rimmayo ld rimmay².
rin Nafley dheddig rimmay qaadid.
rinji1 Midab; liin; asal; dheeh. ld ranji¹. rinji2 Dhoob hal midab ama ka badan ka kooban oo qalabka la adeegsado dusha laga mariyo si loogu qurxiyo ama mirirka looga ilaaliyo. ld ranji², ranjiyee, rinjiyee. rinjile Qof wax rinjiyeynta yaqaan. ld ranjile, ranjiye, rinjiye.
rinjiyan Wax rinji la mariyey ahaansho. ld rinjiyaysan.
rinjiyanaan eeg rinjiyan. ld rinjiya-naansho, rinjiyaysnaan, rinjiyaysnaan-sho.
page : 1271 of 1584
<< < 1266 1267 1268 1269 1270 1271 1272 1273 1274 1275 1276 > >>