rimid
(m.f.dh)

eeg rin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rimid

oofo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ftay, -fatay)
Wax rimid u baahan noqosho (sac).

margeelee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Xilligii uu dhalay xilligiisa kale rimid (sac).

mulul [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ulay, -ushay)
1. Dheddig dad ama xoolaad isaga oo weli ilmihii hore nuujinaya rimid ama uur yeelasho. 2. Neef ari ah aad u caatoobid.

mululrimid [m.f.dh]
eeg mululrin². ld mululrin¹.

mululrin [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-imay, -intay; -imi)
Dheddig dad ama xoolaad isaga oo weli ilmihii hore nuujinaya rimid ama uur yeelasho.

shinrimid [m.f.dh]
eeg shinrin². ld shinrin¹ (2).

shinrin [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-imay, -intay; -imi)
Neef xoolo ah waqtigii laga filayey in uu rimo rimid.

tifrimid [m.f.dh]
eeg tifrin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg