rimi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Dheddig ilma galeenkeeda ilmo gelin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rimi

aalo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Lo'da inteeda aan weli gaarin da'dii ay rimi ama wax rimin lahayd.

oofo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ftay, -fatay)
Wax rimid u baahan noqosho (sac).

saafid-kolorimitrieed [m.dh]
(fiis.) Saafid xaddiyeed oo lagu cabbiro ribnaanta milmeyaasha midabaysan iyada oo la kaashanayo itaalka midabka. Milanka la hubinayo waxa loo eegaa milanno ribnaantooda la yaqaano.

uurqaad [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
U. ah: gaaridda neef dheddig uu gaaro da'uu ku rimi karo; awrqaad. ld awrqaad.

xagurrin [m.l]
Geel intiisa rimi karta ay hal xilli wada rintay oo aan midi ka baaqsan.

aaran [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Geela intiisa aan weli gaarin da'dii uu ku rimi ama wax ku rimin lahaa. 2. Doog iyo barwaaqo badan. 3. Aa. ah: meel doog badan leh. 4. Aa. ah: waqti doog iyo barwaaqo leh.

abeer [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. ld ameer.

arrimi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Ka a.: arrin, talo ka dhiibid. 2. U. a.: cid u talin.

arrimin [m.f.dh]
eeg arrimi. ld arrimis.

arrimis [m.l]
ld arrimin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg