sabburid ld sabrid.
sabbuux Sanadka islaamka bishiisa toddoobaad; rajab.
sabci Sacabbo isla dhicid. ld sacbi.
sabcin eeg sabci. ld sabcis, sacbin, sacbis.
sabcis ld sabcin.
sabeen Neef ido ah oo dheddig oo aan weli curan. ld subeen.
sabeenxir1 Raali gelinta qof gef lagu sameeyo la raali geliyo. ld subeenxir¹. sabeenxir2 Qof lagu sameeyey gef raali gelin. ld subeenxir². sabeenxirid eeg sabeenxir². ld su-beenxirid.
saben ld saman.
sabid eeg sab².
sabiib Miro canab oo la qallajiyey. ld sibiib.
sabiil Xubinta taranka ee xoolaha dheddig. ld samiil.
sabir 1. Xanuunka iyo dhibaatada oo loo adkaysto; samir. 2. ld sabar¹.
sabo1 1. Dabayl kulul oo xagaaga dhacda. 2. (-ooyin, m.l) Dhul kooban oo ceel ama guri ku wareegsan heelad. sabo2 (juqr.) Degaan gaar ah oo uu noole ku noolaado, tusaale ahaan: balliyada, webiyada, ayda iwm. sabo3 1. (f.g) Cid wax dani ugu jirto, cid kale si ay u fuliso hadal ku qancin. 2. (f.mg) Degan, ceel, iwm agagaarkooda tuurid (xoolo). sabool1 S. ah: qof aad u xoolo yar. sabool2 Qof sabool noqosho. ld saboolow. saboolid eeg sabool². ld sabooloobid.
saboolnimo Sabool ahaansho.
sabooloobid ld saboolid.
saboolow ld sabool².
sabri Cid inay samirto gayeysiin. ld samri.
sabrid eeg sabar². ld sabburid, samrid.
sabrin eeg sabri. ld samrin.
sabsaab Qof aad u caqli yar oo aan waxba lagu aamini karin sawaab.
sabti Maalinta jimcada iyo axadda u dhexeysa.
sabtiye Qayb ciidamadii fashiistaha ka mid ahayd oo soomaaliya ka jirtey.
sabuubo Khatar; halis. ld sabuuro.
page : 1293 of 1584
<< < 1288 1289 1290 1291 1292 1293 1294 1295 1296 1297 1298 > >>