sabuul Dalagga firiga xubinta iniinaha badarku ku yaallaan.
sabuur Kutubkii loo soo dejiyey nabi Daa'uud.
sabuurad Loox ballaaran oo afar gees ah, badanaa midab leh oo jeeso wax lagula qoro.
sabuuro ld sabuubo.
sac Neef lo'ah, dheddig oo curtay.
sacab 1. Gacanta dhankeeda hoose iyo faraha. 2. Sacabbada oo laysku dhufto. 3. Cayaar jaan iyo sacab leh oo habeenkii la cayaaro.
sacabbayn eeg sacabbee.
sacabbee Sacabbada wax ku qaadid.
sacabsasho egg sacabso.
sacabsato Gabar yar oo dibadda ariga ku maasha.
sacabso 1. Ilmo markaa dhashay xab ka dhuuqid. 2. Neef sacab-bada ku maalid.
sacabtumid eeg sacabtun.
sacabtun 1. Calaacalaha isku dhufasho. 2. Sacab cayaarid.
sacaf1 Timir lafahii iyo gobortii laga gu-ray oo la cajimay. sacaf2 Timir sacaf ka dhigid. sacbi ld sabci.
sacbin ld sabcin.
sacbis ld sabcin.
sacfaraan Budo hurdi ah oo wax lagu midabeeyo, waxna lagu daweeyo.
sacfid eeg sacaf².
saciim Qof wanagsan oo deeq iyo dabeecadba leh.
saciira Naar ka mid ah toddobada naarood.
saco 1. Koox xiddigo ah, cadcad oo ku yaal lixaha iyo cadaadda agtooda, meel aan diillincaanoodda ka fogayn. 2. Koox lo'ah.
sacoobaan Kalluun dusha ka cagaaran oo badda ku nool. ld socoobaan.
sacsac Qof sirqannimo awgeed aad u caqli yareeyey.
sacsacan1 Qof sirqannimo awgeed aad u caqli yareyey noqosho. sacsacan2 Qof sirqannimo awgeed aad u caqli yareyey ahaansho. sacsacmid eeg sacsacan¹.
sacsacnaan eeg sacsacan². ld sacsac-naansho.
sacsacnaansho ld sacsacnaan.
page : 1294 of 1584
<< < 1289 1290 1291 1292 1293 1294 1295 1296 1297 1298 1299 > >>