sactar 1. Geed yar, udgoon oo ubaxiisa wax lagu daaweeyo, cuntadana lagu darsado. 2. Sagxad weyn oo alaabta culus maraakiibta looga soo qaado ama loogu geeyo oo matoor jiido.
sad1 ld sed. sad2 (daaw.) Qaddar daawo ah oo si taxadar leh loo qiyaasay takhtar u qoray in markiiba bukaan. sadaado Jiiraggo'; daal.
sadaadoo Cid sadado dareemid.
sadacdheere Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Afgooye oo leh sacab iyo biro layska garaaco.
sadaf Dhulman laba qalbac ka samaysan oo badanaa badda laga helo.
sadaq Gogol ulo yaryar, dhuudhuuban oo isku xirxiran ka samay-san.
sadaqayn eeg sadaqee. ld sadaqays, saddaqayn, saddaqays.
sadaqays ld sadaqayn.
sadaqaysad ld sadaqaysasho.
sadaqaysasho eeg sadaqayso. ld sadaqaysad, sadaqaysi.
sadaqaysi ld sadaqaysasho.
sadaqee Sadaqo bixin. ld saddaqee.
sadaqo Wax Alle dartii loo baxsho. ld saddaqo.
sadar 1. Xarriiq toosan oo xaashiyaha wax lagu qoro loo yeelo. 2. Qoraal xaashi ku qoran oo hal diillin iskula yaal.
sadarraysan Xaashi, loox iwm wax sadarro loo yeelay ahaansho.
sadarraysnaan eeg sadarraysan. ld sadarraysnaansho.
sadarraysnaansho ld sadarrays-naan.
sadarree Xaashi iwm sadarro u yeelid.
sadarreyn eeg sadarree. ld sadarreys.
sadarreys ld sadarreyn.
sadax 1. Wax docdooda fidsantahay oo kore. 2. ld sagxad. Baabuur, markab iwm meesha sare ee alaabta la dhigo.
sadcaal1 ld socdaal¹. sadcaal2 ld socdaal². sadcaalid ld socdaalid.
saddamid eeg saddan.
saddan Wax galiilyo hayso noqosho.
saddaqayn ld sadaqayn.
saddaqays ld sadaqayn.
page : 1295 of 1584
<< < 1290 1291 1292 1293 1294 1295 1296 1297 1298 1299 1300 > >>