labeenaysi ld labeenaysasho.
labeenayso Labeen yeelasho.
labeensad ld labeensasho.
labeensasho eeg labeenso. ld labeensad, labeensi.
labeensi ld labeensasho.
labeenso 1. Wax labeen ka qaadasho. 2. Labeen marsasho.
laben 1. Shay dhoobo ka samaysan oo la dubo qaabab badanna loo yeelo oo wax lagu dhiso. 2. Caano.
labid1 ld isdhexgal. labid2 eeg lab². lablabbo ld lallabo.
lablabboo ld lallaboo.
lablabbood ld lallabood.
labmid eeg laban¹.
labnaan eeg laban². ld labnaansho.
labnaansho ld labnaan.
labo1 1. Tirada kowda iyo saddexda u dhexeysa; “2”. 2. Labadaba. Tus. “Labadaba way fiicanyihiin”. labo2 Wax qasasho. labood Nafley inta labka ah ee aan dheddig ahayn.
labosaab ld labasaab.
labxo ld laabtaxaw.
lacaaf 1. Hilib yar oo la suro jilibka oo kalluunku soo raaco. 2. Wax kasta oo lagu soo jiito wax la ugaarsanayo; callaal. ld callaaf.
lacag 1. Warqado ama macdan xordan, qaab go'an leh oo dawlad ama banki sharci u lihi sameeyo si badeecooyinka loogu bedesho. 2. Bati.
lacagaale (bot.) Geedgaab qodax leh oo miro la cuno, mayrax iyo xabag macaanba leh, oo ka baxa dhadhaabaha, jeerinkana la bah ah.
lacagee Badeeco lacag ku beddelid.
lacageyn eeg lacagee.
lacageysad ld lacageysasho.
lacageysasho eeg lacageyso. ld lacageysad, lacageysi.
lacageysi ld lacageysasho.
lacageyso 1. Badeeco lacag ku beddelasho. 2. Lacag yeelasho.
lacanad1 ld nacalad¹.
page : 14 of 46
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>