lacagee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-geeyay, -geysay)

Badeeco lacag ku beddelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lacagee

biladdaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Cad dhalo ah oo dhan midab dheeh lacageed ah iyo rinji ka marsan yahay oo la iska arko ama muuqaalka soo celisa; muraayad; mandarad. 2. Qalab qaab dhuun leh oo muuqaallada fog soo dhoweya.

lacageyn [m.f.dh]
eeg lacagee.

muraayad [m.dh] (-do, m.l)
1. Cad dhalo ah oo inta dhinac laga mariyo dheeh lacageed iwm layska arko; madarad; beladdaye. 2. (m.w) (-do, m.l) Laba dhalo oo si ah loo farsameeyey oo ku dhex jira bir ama caag wareegsan oo indhaha la gashado,si loo saxo indho arag diciif ah leh, ama looga celiyo nuurka xooggan ee qorraxda; okiyaale. ld miraayad, miraayo, muraayo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg