uuroowid (baay.) Xaalad uurqaadid, marka shahwada labku bacrimiso ukunta dheddigga dhuunta falloobiyo dhexdeda.
uurow Uur qaadid ama yeelasho.
uurqaad U. ah: gaaridda neef dheddig uu gaaro da'uu ku rimi karo; awrqaad. ld awrqaad.
uurrays 1. Dabaggaalle. 2. Ubad geel ama dad oo diifeysan ama korriimmadii ka xumaatay.
uursamaan eeg uursan. ld uursa-maansho.
uursamaansho ld uursamaan.
uursami Dabci wanaagsan oo qof leeyahay oo u diida in uu xumaan uurka ku hayo.
uursan Qof uurfiyow ahaansho.
uurweynaad Cudur dadka ku dhaca oo beeryarada barariya, uurkana weyneeya. ld caloolweynad.
uurxaad Geednagaar dooxooyinka ka baxa oo xooluhu daaqaan.
uurxaaran Qof aan cidna xumaan qalbiga ugu hayn ahaansho.
uurxaarnaan eeg uurxaaran. ld uur-xaarnaansho.
uurxaarnaansho ld uurxaarnaan.
uurxumaan eeg uurxun. ld uur-xumaansho.
uurxumaansho ld uurxumaan.
uurxumi ld uurxumo.
uurxumo Dabci aan wanaagsanayn oo qof leeyahay oo u diida in uu illaabo waxa loo geysto. ld uurxumi.
uurxun Qof aan cidna sama ka filaneyn ahaansho.
uuryaal 1. Xanuunka ay ummushu dareento marka ilmasidaheedu isku soo uruurayo. 2. (-llo, m.dh) Uurjiif. 3. Wax indhuhu aanay qaban karin.
uuryaro Uur aan caloosha ka muuqan wallacna dhaafay; bilayaro.
uus Cunnada nafaqada laga baxay oo ku jirta caloosha iyo xiidmaha (xoolaha daaqa).
uuslaho ld uusley.
uusley Caloosha xoolo daaqa; uuskujir. ld uuslaho.
uusmiir1 ld uusmiirid. uusmiir2 Neef geel ah oo la qalay calooshiisa biyo ka miirid. uusmiirad ld uusmiirasho.
uusmiiran1 Wax la uusmiiray noqosho. uusmiiran2 Wax la uusmiiray ahaansho. uusmiirasho eeg uusmiiro. ld uusmiirad.
uusmiirid eeg uusmiir². ld uusmiir¹.
page : 14 of 15
<< < 9 10 11 12 13 14 15 >