Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: haltoddobaadyo
beegso Qof qiimo ama dhaqaale dheeraad ah leh isla simid.
beejaggoys Xasharaad yaryar oo midab madow leh oo sida badan buuryada ka qaniinta wiilasha yaryar. ld buuryaggoys, buuryo-goys.
beejaqab ld buuryaaqab.
beeji Wax quruxdooda muujin.
beejin eeg beeji.
beejo ld buuryo.
beekhaami 1. Wax tashiilid. 2. Wax la miisayo wax yar ku kordhin.
beekhaamid eeg beekhaan². ld beekhaan¹.
beekhaamin eeg beekhaami.
beekhaan (1) 1. Badashada ay badato cunno la karinayo. 2. Wax yar oo lagu suubiyo wax la miisay. 3. Tashiilidda wax la tashiilo. 4. ld beekhaamid.
beekhaan (2) Cunto la karinayo sida bariis iwm. tarmid; wax badasho.
beekhaansad ld beekhaansasho.
beekhaansan Wax beekhaan yeeshay ahaansho.
beekhaansanaan eeg beekhaansan . ld beekhaansanaansho.
beekhaansanaansho ld beekhaansanaan.
beekhaansasho eeg beekhaanso. ld beekhaansad, beekhaansi.
beekhaansi ld beekhaansasho.
beekhaanso 1. Wax tashiilasho. 2. Wax la miisayo wax ku kordhisasho.
beel (1) Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro.
beel (2) Koox dabeeci ahaan sabo ku wada uuman, oo isugu jira sinjiyo dhir iyo xayawaanba leh.
beel (3) Hanti ama wax kale oo hore loo lahaa tirmid; waayid.
beelaysan Wax la beeleeyey ahaansho.
beelaysasho eeg beelayso. ld beelaysi.
beelaysi ld beelaysasho.
beelaysnaan eeg beelaysan. ld beelaysnaansho.
beelaysnaansho ld beelaysnaan.
beelayso 1. (f.g) Qolo kale xoog ku qabsasho oo beel ka dhigasho; gumaysasho. 2. (f.mg) Dad kala firirsanaa si ay isu kaashadaan meel wada degsasho.
beeldaaje Nin beel madax u ah; ugaas; garaad; malaaq.
beelid eeg beel³.
beeloobid eeg beelow.
<< < 126 127 128 129 130 131 132 133 134 135 136 > >>

 

Exit mobile version