Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: jimcobarqadle
dhexgal (4) 1. Laba dhinac oo is haya dhexdhexaadin. 2. Wax gudahiisa gelid.
dhexgelid eeg dhexgal². ld dhexgal¹.
dhexjiir Meel ciriiri ah xoog ku marid.
dhexjiirid eeg dhexjiir.
dhexjoog Xoolo, alaab iwm oo aan hawl badan u baahnayn ilaalin.
dhexjoogid eeg dhexjoog. dhexkabe m.l(-bayaal, m.l/dh) (nax.) Lifaaq la dhexgeliyo erey gudihiisa. Tus. “Waan qorayaa; waan qoranayaa”.
dhexkatuur Derin, harrar iwm oo aqal soomaaliga dusha laga saaro.
dhexkubbari D. ah: qof, meel hareeraheeda dhibaato ka dhacday, ka badbaaday.
dhexkubbaryid Badbaadinta qof, meel hareeraheeda dhibaato ka dhacday.
dhexmar (1) ld dhexmarid.
dhexmar (2) Wax badan oo meel wada jooga ama meel ku wada yaal (dad, xoolo, dhir, bad iwm) ama gudo leh (aqal iwm) ama dalool (dhuun iwm) dhexdood marid.
dhexmari Degaan, xoolo iwm wax dhexqaadsiin. ld dhexmarsii.
dhexmarid eeg dhexmar². ld dhexmar¹.
dhexmarin eeg dhexmari. ld dhexmarsiin.
dhexmarsii ld dhexmari.
dhexmarsiin ld dhexmarin.
dhexmeeran (xis.) Shaxan joometeri ah oo ku dhex meeran shaxan kale ee joometeriyeed (eeg dul meeran).
dhexmuuqasho eeg dhexmuuqo.
dhexmuuqo Ka dh.: qof, wax dheeraad ah oo uu dadka kale kaga yahay muujin.
dhexnool Ku dh.: cid la dhaqmid.
dhexnoolaan eeg dhexnool. ld dhexnoolaansho.
dhexnoolaansho ld dhexnoolaan.
dhexoollaansho ld dhexoollid.
dhexoollid eeg dhex-aal. ld dhexoollaansho.
dhexqabasho eeg dhexqabo.
dhexqabo Ka dh.: nafley, nafley kale oo ay ku jirtay ka dhex saarid.
dhexroor (1) 1. Meesha dhexda ah ee laba maro la isaga tolo. 2. Labalaabka gacanka. 3. Dhidib. 4. ld dhexroorid.
dhexroor (2) (xis.) Fogaanta isaga gudubta shaxan sallax ah ama adke ah ee halka barta ugu ballaaran ee shaxanka. Dh.ka goobada waa xarriiqda toosan oo marta xuddunta goobada kuna dhammaata laba barood oo goobada ku yaalla.
dhexroor (3) (c.fal.) Xarriiq lagu mala awaalo in ay xiriiriso labada cirif oo marta bartamaha dhulka uu ku wareego.
dhexroor (4) Laba cad oo maro ah dhexroor u yeelid.
<< < 126 127 128 129 130 131 132 133 134 135 136 > >>

 

Exit mobile version