Dhexgal

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga:

Dhexdhexaadinta laba dhinac oo wax isku haysta. ld dhexgelid.


Dhexgal

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga:

(fiis.) Dh. ileyska: firidhsanka ileys noqodka oo ay sababtay dusha xanafta leh ee uu ileysku abbaaray ama ku dhacay.


Dhexgal

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga:

(fiis.) Dh. milannada: habka walxaha kala duwani ay isugu qasmaan, ayna ugu wacantahay socodka saxarrada (sida atamyada, ayoonnada) ay ka koobanyihiin.


Dhexgal

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-alay, -ashay; -geli)

1. Laba dhinac oo is haya dhexdhexaadin. 2. Wax gudahiisa gelid.


Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga dhexgal

barabbax | buuq | dhexgelid | entameeba | faduuli | isdhexgal |
ld = la-mid / variant
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg