dhexmar
(m.l)ld dhexmarid.
dhexmar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)Wax badan oo meel wada jooga ama meel ku wada yaal (dad, xoolo, dhir, bad iwm) ama gudo leh (aqal iwm) ama dalool (dhuun iwm) dhexdood marid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhexmar ↴
caabbin [m.l (fiis.)]
Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka
danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega).
raadiyografi [m.l] (-iyo, m.dh)
(daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
saayiraad [m.dh]
1. Macaamil wanaagsan, wax isdhaafsi leh oo cid dhexmara. 2. ld saayirid.
xaglagooye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Isku xirid geeso iska horjeeda. Tusaale ahaan, xaglagooyaha labajibbaarane waxa uu laba-gibbaranuhu u qaybiyaa laba saddexagal oo qumman. Marka laga hadlayo shaxan adke ah badanaaba salxaale, sallax xaglagooye waa kan dhexmara laba geftin oo aan deris ahayn.
abraar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid. 2. (f.mg) Si degdegsiinyo leh hadba dhan ugu ordid.
ambiyeer [m.l] (-ro, m.dh)
(fiis.) Summad A. Waa halbeegga caalamiga (HC) ah ee qulqulka danabka. Hal ambiyeer waa xaddiga qulqulka danab ee dhexmaraya laba gudbiye oo dherer-dhaaf ah, ahna barbaro, iskuna jira hal mitir ee dulaalaati madhan, ka dhex dhaliya xoog le'eg 2x10 (N/Nm). Niyuutan halkii mitir ee dhererka gudbiyaha.
asaraartan [m.l]
1. Asaraar dhexmara laba qof ama ka badan. 2. ld asaartamid.
dabar [m.dh]
(kiim.) Awoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 >kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1).
dacwad [m.dh] (-do, m.l)
Dood garnaqsi iyo eedeyn leh oo laba qof ama ka badan dhexmarta. ld dacwi¹, dacwo.
dagaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Iska horimaad af ama addin ah, waxyeello lays gaarsiiyo oo dhexmara laba qof ama ka badan. 2. ld dagaalid.