saraar Weylo daaqa oo aan dhibaato mudanayn caanaha hooyada hadday waa-yaan.
saraarogabbalayn saraarogabbalee. ld saraarogabbalays.
saraarogabbalays ld saraarogab-balayn.
saraarogabbale Arar laga hormariyo intaan la guda gelin hadal du-lucdiisa.
saraarogabbalee Hadal dulucdiis intaan la gudagelin arar sheegid.
saraaxad Wax sheegidda si cad oo aan qaris lahayn wax loo sheego.
saraayayn eeg saraayee.
saraayee Cid dhibaato weyn gaarsiin.
saraayo Dhibaato weyn; dareen.
sarab1 Ulo dhuudhuuban oo wax lagu dhiso. sarab2 Ulo yaryar meel ku teedid. sarac1 1. Mudmudidda geed la rabo in dhacaan laga keeno la mudmudo. 2. Beerfal. 3. Saf. sarac2 Laabatada hoose oo gumaarka (bisqanlayda) iyo bowdadu iska galaan. ld sarcan¹. sarac3 1. Wax beerid. 2. Geed qoyan si xabag u dhalo mudmudid. sarajoog1 1. Taagnaanta qof taagan-yahay. 2. ld sarajoogid. sarajoog2 Qof wax taagan noqosho. sarajoogid eeg sarajoog². ld sarajoog¹ (2).
sarajoogsasho eeg sarajoogso.
sarajoogso Fadhi ka istaagid.
sarakac1 Ka istaagidda fadhi laga istaago. ld sarakicid. sarakac2 Fadhi ka istaagid. sarakicid eeg sarakac². ld sarakac¹.
saran Wax la saray ahaansho.
saranji Ku xigeenka naaquudaha doonta.
saranseer1 Dhibaato ka timid arrimo isdaba joog ah oo waxyeello leh. saranseer2 Dhibaato weyn oo arrimo isbada joog ah ka dhalatay la kulmid. saranseerid eeg saranseer².
saransoor 1. Meel laba wax iska galaan; iran. 2. Dalandool.
sarar1 Derin caws ka samaysan oo aan toban kabood ka bad-nayn. sarar2 Feeraha intooda hoose oo saracda xigta iyo hilibka saaran.
page : 1317 of 1584
<< < 1312 1313 1314 1315 1316 1317 1318 1319 1320 1321 1322 > >>