Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
sarriibasho  eeg sarriibo. ld sarrii-gasho.
sarriibid  eeg sarriib. ld sarriigid.
sarriibo  Laan caleemo leh ilkaha ama gacanta iyada oo aan la sii dayn xoog ugu jiidasho.
sarriig1  1. Dhawrashada sharafta la dhawrto. 2. Dulqaadka dhibaato loo dul-qaato. sarriig2  ld sarriib. sarriigasho  eeg sarriigo. ld sar-riibasho.
sarriigid  ld sarriibid.
sarriigo  1. Sharaf iyo magac dhawrasho. 2. ld sarriibo.
sarriiji  1. Wax sharafta iyo haybadda ku xun qof ku qasbid. 2. Wax dhogorta ka murxin.
sarriijin  eeg sarriiji.
sarsaar  Geed ka mid ah geedaha dhulka ku faalala ama geedaha kale isku mara oo aan qodax lahayn, laamo jiljilacsanna leh.
sarsar1  1. Jeexjeex yaryar oo aan maqaarka dhaafsanayn oo oogada loo yeelo. 2. Oodda reerka dusha uga wareegsan; deyr; meegaar; 3. Dhinac. sarsar2  Qof oogadiisa jeexjeex u yeelid. sarsarid  eeg sarsar².
saruuradow  1. Jeelka hilib cunidda loo qabo. 2. Cudur ay hilib ka raagiddu keento. 3. Roobsugow.
sarwaan  ld sargaan.
sarwacan  Qof dadka ka dabci duwan ahaansho.
sarwacnaan  eeg sarwacan. ld sarwacnaansho.
sarwacnaansho  ld sarwacnaan.
sarweji  1. Haragga wejiga xoolaha laga bixiyo. 2. Haragga wejiga dadka.
saryan  Biciid lab oo tabar gal ah.
sas1  Naxdin kedis ah oo lala argagaxo. sas2  Naxdin kedis ah la argagaxid. sasi  Si kedis ah cid uga nixin.
sasid  eeg sas².
sasin  eeg sasi.
sataar  1. Mid ka mid ah magacyada Eebbe. 2. Daah.
sati  Weel laba qalbac isugu aabburan oo la dhexgeliyo quliyaasha laguna qaado.
satiyayn  eeg satiyee.
satiyaysan  Wax la satiyeeyey ahaansho.
page : 1321 of 1584
<< < 1316 1317 1318 1319 1320 1321 1322 1323 1324 1325 1326 > >>

 

Exit mobile version