Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
shacaab-taxan  (c.nafl.) Silsilad dhadhaabeed oo jiifta badda ama badda agteeda, oo badanaa ka samaysan shacaabi dhaliye aad u tiro badan.
shacab  (shucuub, m.dh) 1. Dadweyne; ummad. 2. Qar badda dhexdeeda ku yaal. ld shacbi, shicib.
shacayn  eeg shacee. ld shacays.
shacays1  1. Qori xabbad-keliyaale ah oo waayadii hore lagu dagaallami jirey. 2. Wax si aan caadi ahayn u shaqeeya. ld shucays. shacays2  ld shacayn. shacbaan  Bilaha dayaxa oo Musliimku tirsado tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; soondheere.
shacbi  ld shacab.
shacbiweyne  Dadweyne.
shacdur  Cayaar carruureed carruurtu miro kariiri ay ku dhaqaystaan oo ulo af dhuuban leh.
shacee  Ood qoyan oo wax lagu oodayo si ayan daldalool u yeelan, isuguna cufanto hangool ku riixid.
shactirayn  ld shaacirayn.
shactiree  ld shaaciree.
shactiro  ld shaaciro.
shactiroole  ld shaaciroole.
shad1  Astaanta muujisa in shibbanuhu uu labalaabanyahay (far-carbeedda). shad2  (fiis.) Xoogga saaran halkii halbeeg ee bedka walax, sababana in ay walaxdu qaab doorsoonto. shadaaf  1. Galka timirta lagu guro. 2. Gogol yar iwm oo qof leeyahay.
shadni  ld shidni.
shaf1  1. Meesha wareegsan oo geelu marka uu fadhiisanayo uu dhulka dhigto; leg. 2. Xabad; gaaddo. shaf2  Geedo iwm jarid. shafee  Dhaawac daaweyn.
shafeec1  ld shafeeco. shafeec2  Qof ciriiri ku jira Ilaah gargaar uga baryid. shafeecid  eeg shafeec².
shafeeco  1. Raxmad iyo naxariis xag Eebbe laga helo. 2. Gargaar iyo naxariis. ld shafeec¹.
shafeecsad  ld shaafeecsasho.
shafeecsasho  eeg shafeecso. ld shafeecsad, shafeecsi.
shafeecsi  ld shafeecsasho.
shafeecso  Wax faa'iidadooda iyo waxtarkooda isticmaalid.
shafid  eeg shaf².
page : 1337 of 1584
<< < 1332 1333 1334 1335 1336 1337 1338 1339 1340 1341 1342 > >>

 

Exit mobile version