Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
shataarid  eeg shataar². ld shitaarid.
shati  Dukumenti dawladeed oo sharciyeeya ganacsi.
shaw-maddoonto  Nooc ka mid ah mariidka oo si degdeg ah neefka u dila, baadigoobkiisana aan loo dheeraan.
shawaal  Bilaha dayaxa oo muslinku tirsado tooda tobnaad oo u dhexeysa soonqaad iyo sidataal; soonfur.
shawl1  1. Cabbitaan la siiyo qof aad u jirran oo sakaraad ah. 2. Ceel meel dhagax ah ku yaal oo af dhuuban. 3. ld shawlid. ld kawl¹. shawl2  Qof aad u jirran wax ku qulaamin. ld kawl². shawlax  Ciid dhagxaan yaryar leh oo bulukeetiga laga sameeyo. ld shawlaxo.
shawlaxo  ld shawlax.
shawlid  eeg shawl². ld kawl¹, kawlid, shawl¹.
shawr  Geed biyaha dhanaan ka dhex baxa oo leh caleemo aad u balballaaran aadna u cagaaran iyo laamo dhaadheer oo wax lagu dhisto. ld shawro.
shawr1  Kulan qarsoodi ah oo arrimo gaar ah looga wada hadlaayo. ld showr¹. shawr2  Kulan qarsoodi ah arrimo gaar ah uga wada hadlid. ld showr². shawri1  Geed dheer oo toos u baxa oo caleemo yaryar oo dhuudhuuban iyo loo- xaan adag leh. shawri2  Cid si qarsoodi ah wax ugu sheegid. shawrid  eeg shawr². ld showrid.
shawrin  eeg shawri. ld shawris.
shawris  ld shawrin.
shawro  ld shawr.
shawshaw  (muus.) Dhawaaqa shambalka soo saara.
shax1  1. Cayaar dhulka lagu dhigto ama loox loo sameeyey korkiis oo laba qof lagu cayaaro. 2. Shilin yaryar oo aan ishu aad u qaban karin. 3. Jadwal. shax2  Shax cayaarid. shaxaad1  1. Si wax loo weyddiisto qof la yaqaan laguna kalsoonyahay. 2. ld shaxaa-did. shaxaad2  Qof la yaqaan si kalsooni leh wax u weyddiisasho. shaxaadid  eeg shaxaad². ld shaxaad¹ (2).
shaxam  Sh. ah: qof aad u buuran.
shaxan  Qaab jowmitiri.
shaxan joomitiri  (xis.) Qaab ka samaysma isku xirka baro, xarriiqyo, xoodad ama dulo. Goobooyin, labajibbaaranayaal, saddex-xagallo waa shaxanno sallax ah. Kubbad, saddex jibbaarane, ahraam waa shaxanno adke ah.
shaxaroor  Baruur subaggii laga shiilay waxa ka soo hara; shariir.
shaxartaan  Qof xarrago badan.
shaxeex1  1. Erey ama fal qof wax uu sugaayey looga hor istaago. 2. Warbixin been ah.
page : 1347 of 1584
<< < 1342 1343 1344 1345 1346 1347 1348 1349 1350 1351 1352 > >>

 

Exit mobile version