Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: Sawaab
bekel B. ah: qof fuley ah oo cabsi badan.
bekelnimo Bekel ahaansho.
belaayo Belo dhibaato weyn oo xambaarsan murugo iyo tiiraanyo. ld balaayo, belo.
belbel (1) 1. Holac weyn oo dabka ka baxo marka la shido. 2. ld belbelid. ld belel¹.
belbel (2) 1. Meel jirka ka mid ah oo dhaawac ah xanfaafid. 2. Dab holac weyn bixin. ld belel².
belbeli Dab si aad ah u holcin. ld beleli.
belbelid eeg belbel². ld belbel¹ (2), belel¹, belelid.
belbelin eeg belbeli. ld belbelis, belelin, belelis.
belbelis ld belbelin.
beldaan eeg beled.
beled Degaan leh guryo badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo, waddooyin dhaadheer iwm; magaalo.
beledee Meel beled ka dhigid.
beledeyn eeg beledee.
beledeysasho eeg beledeyso. ld beledeysi.
beledeysi ld beledeysasho.
beledeyso Qof, beled aadid si uu ugu soo nasto.
belediyad Dawladda hoose.
belee Wax belo ku ridid.
belel (1) ld belbelid.
belel (2) ld belbel².
beleli ld belbeli.
belelid ld belbelid.
belelin ld belbelin.
belelis ld belbelin.
beleyn eeg belee.
beleysan Wax beloobay ahaansho.
beleysnaan eeg beleysan. ld beleysnaansho.
beleysnaansho ld beleysnaan.
Beljim Beljim (Af-Ingiriis: Belgium, Af-Faransiis: Belgique) (Af-Holandees: België) Beljim waa wadan ku yaala yurub , waxa ay dhacdaa waqooyi galbayd yurub , beljim waxa daris la ah wadamada Faransiiska, Jarmalka, Holland iyo wadanka logsonberg (luxembourg) dhinaca bada waxa uu daris kala yahay Ingiriiska. Caasimadna waxa u ah Brussels (Af-Soomaali: Baraselis) waana isla caasimada yurub Brussels.
bellaagra (daaw.) Cudur nafaqoxumo ama nafaqodarro oo ay keento la'aanta ama kayaraanta jirka fitamiinka la yiraahdo PP oo ka sameysan “nikotiinika asidh”. Astaamaha: maqaarka inta muuqda oo galdhaca, shuban iyo qalbixumo ama qulub.
<< < 131 132 133 134 135 136 137 138 139 140 141 > >>

 

Exit mobile version