Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
shiiqsi  ld shiiqsasho.
shiiqso  Quwaax iwm iyadoo la calalinayo dhacaan ka nuugid.
shiir1  Ur aan aad u qurmuunayn sida kan dhididka dadka iwm. shiir2  Shiir yeelasho. shiiraar  Awr raran aad u daalid.
shiiraarid  eeg shiiraar.
shiiraarsan  Rati raran wax aad u daalay ahaansho.
shiiraarsanaan  eeg shiiraarsan. ld shiiraarsanaansho.
shiiraarsanaansho  ld shiiraar-sanaan.
shiiran  Nooc kalluunka ka mid ah.
shiirid  eeg shiir².
shiis  (jool.) Dhadhaab dhalan rogan oo u kala jajabi karta saxanno badan oo fidsan khafiifna ah (thin plates) kulka badan iyo cadaadiska dartood.
shiish1  1. (-shash, m.l) Kurtun yar, bir ah oo ka soo taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo marka wax la nishaabayo iyada iyo fantax yar oo iyaduna buntukha meel dhexe oo hore kaga taal laysku abbaaro. 2. Nishaab; toog. shiish2  Wax nishaabid. shiish-bibanji  ld banji-bishiish.
shiish-bibiish  ld banji-bibiish.
shiish-bicaddaan  ld caddaan-bishiish.
shiish-bidooh  ld dooh-bishiish.
shiish-bijoohaar  ld joohaar-bishiish.
shiish-bisaliim  ld saliim-bishiish.
shiish-biyeeg  ld yeeg-bishiish.
shiishad  Dhagax dubnadeed oo wajiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min lix dhibcood ku leh.
shiishid  eeg shiish².
shil  Dhibaato si lama filaan ah u dhacda.
shilimmow  Cudur qaniiyada shilinta laga qaado.
shilin1  Lacag sarrif ah oo ka samaysan bir qiimaheeduna u dhigmo 100 senti. shilin2  Xasharaad siddeed lugood leh oo jaadad badan, baalalna aan lahayn oo dhiigga xoolaha ku nool cudurrana keenta. shilis1  Nafley baruur badan leh. shilis2  Nafley wax baruur badan leh ahaansho. shillal  1. Dhis qoryo ka samaysan oo korkeeda xoolaha lagu qalo. 2. ld kullan, shillan, shillin. Geed abaareed dheer oo qodxo, qori adag iyo miro macaan oo la cuno leh; dhirta daawada laga sameeyana ka mid ah.
page : 1353 of 1584
<< < 1348 1349 1350 1351 1352 1353 1354 1355 1356 1357 1358 > >>

 

Exit mobile version