soomaaliyow Soomaali noqosho.
soomaggale Geedgaab laamo iyo caleemo dhuudhuuban oo duf cadi ku rogan tahay leh, kana mid ah dhirta wax lagu daaweeyo. ld soome, soone.
soomal Midab caddaan furan ah oo geela iyo iwm. yeeshaan.
soomal-may Midab caddaan iyo guduud furan isugu jira oo geelu yeesho.
soomaliyayn eeg soomaaliyee.
soome ld soomaggale.
soomi Nafley cunta u diidid.
soomid eeg soon².
soomiir ld suummiir.
soomin eeg soomi.
soomman Qof soon ku jira ahaansho.
soommanaan eeg soomman. ld soommanaansho.
soommanansho ld soommanaan.
soon1 1. Tiiraarka islaamka kooda afaraad oo muslinka faraya in bisha ramadaan soddonkeeda wax la cuno iyo wax la cabbo laga fogaado maalintii. 2. Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad ee u dhexeysa soondheere iyo soonfur, lana soomo; soonqaad. 3. Qadoodi. soon2 Soon gudasho. soondheere Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; gasyar.
soone Meel; gobol.
soonfur Bilaha dayaxa oo soomaalidu tirsato tooda tobnaad ee u dhexeysa soonqaad iyo sidataal.
soonge Doqon; nacas.
soongur Nafley yar oo dabada dhogor badan ku leh oo dabagaallaha u eg. ld saangur.
soonqaad Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad oo u dhexeysa soondheere iyo soonfur lana soomo.
soor1 1. Cayayaan duula, afar baal leh, duqsiga u eg wax yarna ka weyn, xoolaha dhiigga ka nuugga oo cudur ku reeba. 2. Buntuq afkiisa mindi ka taagan. soor2 1. Galley ama meseggo shiidan oo la kariyo. 2. Gasiin; cunto. soor3 1. Cid cunto iyo cabbid ku martiqaadid. 2. Wax si isla eg u qaybin. ld sooryee. sooran Wax si isla eg loo qaybiyey ahaansho.
soore 1. Qofka sooryada bixinaya. 2. Qaybiye; kalabbare. 3. Sinji noolaha ka mid ah kaasi oo dushiisa ama gudihiisa uu ku noolyahay dulin, marka uu qaangaadhana dhaawac uu geysta ama dila.
soorgad S. leh: qof had iyo jeer caato ah oo aan cuntadu hilib ku kordhin.
soorid eeg soor³. ld sooryayn, sooryays.
soormaweydo Xilli guga bartankiisa ah oo roob badani da'o.
soornaan eeg sooran. ld soor-naansho.
page : 1386 of 1584
<< < 1381 1382 1383 1384 1385 1386 1387 1388 1389 1390 1391 > >>