surmee 1. Daro gelin. 2. Cid guureysa dhul hawd ah waddo uga samayn.
surmi Harraad aad u badan.
surmo 1. Qaab awrta qooqani u dagallamaan oo ah luqun isku marid iyo qaniinyo; daro. 2. (-ooyin, ml.) Dhiil yar oo caanaha lagu shubto. 3. ld surin.
surnaan eeg suran. ld surnaansho.
surnaansho ld surnaan.
suro Wax meel ka soo laalaadsasho.
surow Nooc cayaaraha ka mid ah oo jiib iyo jaan leh oo dumarku cayaaraan.
surqo Lo'dhaadheer, aan caal lahayn, oo caano badan leh.
surrad Alaabta guriga inta duubmi karta sida dermooyinka, rarada, kebdaha iwm.
surrad-sare Xarig dheer, saan ka samaysan oo wax lagu raro.
surrucaad Naxdin weyn oo lala argag-gaxo; qarraacan.
sursuur Marin ciriiri ama halis ah.
suruciye ld suruciyo.
suruciyo Jirrooyinka dhimirka nooc ka mid ah oo dadka ka gariirsiiya. ld suruciye.
surun ld surin.
surwaal Dhar badanaa raggu qaato oo lugaha ilaa dhexda qariya; targal. ld surweel.
surweel ld surwaal.
suryayn eeg suryee.
suryaysan Xarig, wax suryo loo yeelay ahaansho.
suryaysnaan eeg suryaysan. ld suryaysnaansho.
suryaysnaansho ld suryaysnaan.
suryee Xarig suryo u yeelid.
suryo 1. Wadiiqo yar oo ciriiri ah. 2. Qaab loo qoolo xargaha oo leh siriq isku roorta oo xoolaha toojada ah lagu qabto.
susumid eeg sunsumid.
susun1 Tax tiro ah oo midba kan ka horreeya ka badantahay ama ka yartahay tirooyin isla eg. susun2 ld sunsun. susun aritmatig (xis.) Sunsun faraqa u dhexeya tibix kasta iyo tan ka horreysa uu yahay madoorsoome. Faraqa madoorsoomaha ah waxaa lagu magacaabaa faraqa ay wadagaan. Jidka lagu helo tibixda n-aad ee sunsun aritmatig waa: an = a1 + (n-l)d, taas oo a1 ay tahay tibixda kowaad ee sunsunta, d-na tahay faraqa.
susun joometeri (xis.) Susun saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horreysa madoorsoomaha ah waxaa lagu magacaabaa saamiga ay wadaagaan. Dansaanka susun joometeri waa sidan: a, ar, ar2, a3, a4,..., an taas oo r ay tahay saamiga ay wadaagaan, a-na tibixda koowaad.
suti 1. Jilib dhigidda wax layska daafacayo loo jilib dhigo. 2. (-iyo, m.l) Gaashaan.
suubaan1 Dhagax sulub ah oo aan xanaf lahayn.
page : 1394 of 1584
<< < 1389 1390 1391 1392 1393 1394 1395 1396 1397 1398 1399 > >>