Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: yeeg-bisaliim
hagaas (2) Nafley aan korriimo fiican helin noqosho.
hagaasi Nafley korriimo xumo dhaxalsiin.
hagaasid eeg hagaas². ld hagaas¹ (2).
hagaasin eeg hagaasi.
hagabsad ld hagabsasho.
hagabsasho eeg hagabso. ld hagabsad, hagabsi, hakabsad, hakab-sasho, hakabsi.
hagabsi ld hagabsasho.
hagabso 1. Aragti yari awgeed tartiib u socosho. 2. Wax aan la garanayn ka hadlid. ld hakabso.
hagag (1) Inkiridda laysku inkiro wax laysku ogaa.
hagag (2) Wax laysku ogaa inkirid.
hagagid eeg hagag².
hagan Wax la hagay ahaansho (awr).
hagar Isku ladidda hawl ama arrin wax ka qabashadeeda la isku lado; xoogdhabiil; dhagar.
hagarbax (1) 1. Si aan hagari ku jirin oo wax loo qabto. 2. ld hagarbixid.
hagarbax (2) Si aan hagari ku jirin oo wax loo qabto.
hagarbey Hanti la siiyo cid wax dhexdhexaadisey.
hagarbixid eeg hagarbax². ld hagarbax¹ (2).
hagardaamayn eeg hagardaamee.
hagardaamee Cid hagardaamo ku samayn.
hagardaamo Dhibaato cid aan ka digtoonayn lagu sameeyo. ld hagardaanyo.
hagardaanyo ld hagardaamo.
haghag (1) Iin qof yeesho oo u diidda in uu hadalka si bayaan ah u yiraahdo; shigshigid. ld haghago.
haghag (2) ld haghaglee.
haghagid ld haghaglayn.
haghagle Qof hadalka shigshiga; shigshigow.
haghaglee Shigshigid. ld haghag².
haghagleyn eeg haghagaglee. ld haghagid.
haghago ld haghag¹.
hagid eeg hag. ld hagis.
hagis ld hagid.
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>

 

Exit mobile version