rakaabsad ld rakaabsasho.
rakaabsasho eeg rakaabso. ld rakaabsad, rakaabsi.
rakaabsi ld rakaabsasho.
rakaabso 1. Rakaab gaadiid ku rarasho. 2. Qof gaadiid fuulid.
rakaad1 Xoolo biyo cabbiddooda ka kamiin jabay marka labaad ee ay ku laabtaan. ld rakaadid. rakaad2 1. Muddo hal seken ah inta hir ee ka gudba bar. 2. Inta walhasho ee walhade sameeyo muddo hal seken ah. 3. Inta goor ee uu ku dhex dhaco waqdhac ama la fisho in uu ku dhex dhaco koox ama qayb huban. rakaad3 (fiis.) Summad f. Dhakhsaha celcelinta dhacdo hable. Tirada meertada ama wareegga hir ama walhasho ama gariir ee halkii seken ayaa lagu tibaaxaa heertiis (wareeg halkii seken). eeg Heertis. rakaad4 Xoolo biya cabbay mar kale ka dherjin. rakaadasho eeg rakaado.
rakaadi ld rakaad².
rakaadid eeg rakaad². ld rakaad¹, rakaadin, rakaadis.
rakaadin ld rakaadid.
rakaadis ld rakaadid.
rakaado Xoolo biyo ka kamiin jabiyey mar labaad cabbid.
rakacad ld rakcad.
rakcad (dii.) Dhaqdhaqaaq salaadeed oo ka kooban, taagnaan ay ku xigto hal rakuuc, kor u toosid iyo laba sujuudood. ld ragcad, rakacad.
rake 1. Rah. 2. Xayawaan yar oo walada u eg oo had iyo jeer dabada kor u taaga; dabariyoodle.
rakib Qalab xubnihiisu kala daadsan yihiin ama isku daadsanyihiin la isku xirxiro.
rakiban Qalab, wax la rakibay ahaansho.
rakibasho eeg rakibo.
rakibid eeg rakib.
rakibnaan eeg rakiban. ld rakib-naansho.
rakibnaansho ld rakibnaan.
rakibo Shay xubnihiisu kala daadsan yihiin isku xirxirasho.
rako 1. Meel sare oo ku taal dusha geed, dhismo iwm oo wax la saarto ama la fuulo. 2. Meel ciriiri ah.
rakooc1 Madax in yar hoos u liicinta qof sameeyo hurdo darteed. ld rakoocid. rakooc2 Muddo yar hurdo darteed madaxa hoos in yar u liicin (qof). rakoocid eeg rakooc². ld rakooc¹.
rakuub Awr fuullimaad loo jarabaray.
rakuubley Ciidan rakuubta gaadiid-sada.
page : 15 of 40
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>