Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
taabasho1  eeg taabo. ld taabad. taabasho2  (daaw.) Hab baaritaan qayb ka mid ah jirka ayadoo si taxaddar leh lagu dareemayo gacamaha iyo faraha fooddoo-da. Taabashada waxa marar badan lagu kala sooci karaa barar adke ah iyo mid tulux ah. Taabashada waxa kale oo loo isticmaalaa in lagu ogaado jiritaanka ilmo uurka ku jira. ld taabad taabbaggal1  ld taabbaggelid. taabbaggal2  Wax meel maray ama hirgalay ahaansho. taabbaggeli  Wax, wax meel mar ah, ka dhigid.
taabbaggelid  eeg taabbaggal². ld taabbaggal¹.
taabbaggelin  eeg taabbaggeli.
taabbaggud1  ld taabbaggudid. taabbaggud2  Wax meel marid. taabbaggudi  Wax meel marin.
taabbaggudid  eeg taabbaggud². ld taabbaggud¹.
taabbaggudin  eeg taabbaggudi.
taabbaqaad  1. Qaangaarid. 2. Wax, wax ku ool ah noqosho.
taabbaqaadid  eeg taabbaqaad.
taabicid  eeg taabac². ld taabac¹.
taabid  eeg taab². ld taab¹ (4).
taabo  1. Jir, derbi iwm aayar gacan u saarid. 2. Arrin iwm in yar ka sheegid.
taabsii  Gacan aayar wax u saarid.
taabsiin  eeg taabsii. ld taabsiis.
taabsiis  ld taabsiin.
taabuul  (muus.) Magaca la siiyo durbaannada (nasar) loo adeegsado ciyaar-ta nuumbiga.
taacug  Geed yar oo ubax qurux badan leh.
taada1  Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax adigu (qof-ka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “Taada ayaa qurux badan”. taada2  Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “buugaagtaada ayaan ka dhax helay warqaddan”. ld taa³. taadhisaar1  Dumar ama xoolaha kale oo umula iyagoo weli nuujinaya. taadhisaar2  Dumar ama xoolaha kale iyagoo weli nuujinaya umulid. taadhisaarid  eeg taadhisaar².
taag  1. Cudur sababa adkaanta addimaha. 2. ld taago. Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood.
taag1  1. Xoog; itaal. 2. Karti; maaro. taag2  1. Wax meel joojin. 2. Wax kor u qaadid. 3. Wax qotomin. 4. Isku t.: qof ama wax lid noqosho. 5. Isku t.: wax dushooda ku joogsasho. 6. Isku t.: dhar qurxoon xirasho.
page : 1402 of 1584
<< < 1397 1398 1399 1400 1401 1402 1403 1404 1405 1406 1407 > >>

 

Exit mobile version