tallaal2 (daaw.) Dareere loo diyaariyay in lagu daweeyo ama lagaga hortago cudurrada ay dhaliyaan noolayaasha ili-ma-aragtayda ah. tallaal3 Tallaal ku samayn. tallaalan1 Wax la lallaalay noqosho. tallaalan2 Wax la tallaalay ahaansho. tallaalid1 eeg tallaal³. tallaalid2 (daaw.) Hab loo sameeyo ama loo kiciyo difaaca jirka oo liddi cudur ku ah iyadoo la adeegsanayo “tallaal”, ama diyaarin khaas ah ee walax antiijineed oo kicineysa sameynta antiiboodhiga ku ha-boon. tallaalmid eegtallaalan¹.
tallaalnaan eeg tallaalan². ld tallaal-naansho.
tallaalnaansho ld tallaalnaan.
tallamid eeg tallan². ld tallan¹ (2).
tallan1 1. Laballaabow; shaki; walaac. 2. ld tallamid. tallan2 Ka t.: wax samayntooda ku fekerid. talleeji ld kalleeti¹.
talli Saaruq.
tallooji ld kalleeti¹.
tallowsan ld tallaabsan.
tallowsanaan ld tallaabsanaan.
tallowsanaansho ld tallaabsanaan.
talmas (c.nafl.) Qayb ka tirsan maskax-horaadka lafdhabarleyda oo ku taalla aybotalamaska korkiisa. Waxay wararka dareenka u gudbisaa lakabyaga maskax horaadka, waxa kale oo ay ku shuqul leedahay u beddelidda gujooyinka dareemo wacyi leh.
talo Fikrad wax ku ool ah oo cid tuseysa sidii uu wax u qabsaan lahaa.
talqiin 1. (dii.) Hadallo duco iyo dardaaran isugu jira oo qof dhintay xabaashiisa lagu kor akhriyo. 2. Qof sakaraad ah oo towxiidka loo laqimayo. ld taqliin.
taltaal 1. Cid hawl ay hayso ka jeedin. 2. Balaayo cid ku dhicid.
taltaalid eeg taltaal.
taltalliini (riw.) Aktarka majaajillada sameeya oo dadka ka qososhiya.
taluul1 Boor, qiiq iwm oo samada isku taaga. taluul2 Boor, qiiq iwm kor isu taagid. taluulan1 Boor, qiiq iwm wax kor isu taagay noqosho. taluulan2 Boor, qiiq iwm wax kor isu taagay ahaansho. taluulid eeg taluul².
taluulmid eeg taluulan¹.
page : 1418 of 1584
<< < 1413 1414 1415 1416 1417 1418 1419 1420 1421 1422 1423 > >>