tannaago Hadal lagu dheeraysto si cid meel fog joogta loo maqalsiiyo; tayaago. ld tannaagood.
tannaagoo Cid meel fog joogta cod dheer kula hadlid. ld tayaago, tayaaqoo.
tannaagood eeg tannaagoo. ld tayaago, tayaagood, tayaaqood.
tantoomid eeg tantoon. ld tantoonyeyn, tatoomid, tatoonyeyn.
tantoomo Shanta farood iyo calaacasha gacanta oo duuban oo wax lagu dhufto iyadoo gacantu soo laabmayso. ld tan-toonyo, tatoomo, tatoonyo.
tantoon Cid tantoonyo ku dhufasho. ld tantoonyee, tatoon, tatoonyee.
tantoonyee ld tantoon.
tantoonyeyn ld tantoomid.
tantoonyo ld tantoomo.
taqdiimad ld taqdiin.
taqdiin Lacag ama hanti kale oo horumarin ahaan looga sii qaato cid wax iibsata. ld taqdiimad.
taqi T. ah: qof Ilaah cabsidii u go'doo-ma.
taqliid (1) ld taqliidid.
taqliid (2) Cid wax ay samaysay ku dayasho.
taqliidid eeg taqliid². ld taqliid¹.
taqliin ld talqiin.
taqraar (1) ld tiqraar¹.
taqraar (2) ld tiqraar².
taqraaran ld tiqraa-ran.
taqraarid ld tiqraarid.
taqraarnaan ld tiqraarnaan.
taqraarnaansho ld tiqraarnaan.
taqsiin 1. In yar oo tubaako ama jaad ah oo mar canka la geliyo. 2. Muusig yar oo ka horreeya heesta.
taqsiinasho eeg taqsiino.
taqsiino In yar oo tubaako ama qaat ah ruugid (qof).
taqtaq (1) 1. ld taqtaqid. Badbadidda ay soortu badbaddo marka la karinaayo. 2. T. ah: soor jilicsan oo aan weli bislaan.
taqtaq (2) Soor karaysa badbadid.
taqtaqid eeg taqtaq². ld taqtaq¹ (1).
taqwad 1. Nooc shabaagta mallayga lagu dabo mid ka mid ah. 2. Xoog; tabar. 3. ld taqwo.
taqwo Ilaah ka cabsi. ld taqwad (3).
<< < 1416 1417 1418 1419 1420 1421 1422 1423 1424 1425 1426 > >>