Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dheg
tarro 1. Laba laamood oo isku dheggan halka ay ka farcamaan. 2. ld darro.
tarsaasi 1. Lalabbo ka timaadda cunto la iska badiyey. 2. Qaraw; calwasaad.
tarshad Markab bad dhex maraya biyaha kor uga duula; darbad. ld darshad.
tartabo Jaad ka mid ah kalluunka.
tartamid eeg tartan³.
tartan (1) 1. Baratan. 2. T.ka suugaanta; t.ka gabayada.
tartan (2) (baay.) Isdhexgal ka dhex dhaca laba ama in ka badan oo noole, tiro dad ama jinsiyo, kuwaas oo wadaaga ilo degaameed. Marka ilaha wax laga helayaa yaraadaan. Tartanku waa quwad muhiim ah marka laga hadlayo tadawurka. Tus. “Dhirtu way dheeraadaan si ay ugu tartamaan ilayska qorraxda”.
tartan (3) La t.: cid, cid kale la baratamid.
tartansii Beretensii.
tartansiin eeg tartansii.
tartar (1) 1. Feeraha hoose oo laallaada. 2. Dhinac; barbar.
tartar (2) Wax cad cad u googo'id.
tartiib Degdeg la'aan.
tartiibi Wax si aan degdeg lahayn u samayn.
tartiibin eeg tartiibi.
tartiibsan Wax la tartiibiyey ahaansho.
tartiibsanaan eeg tartiibsan. ld tartiibsanaansho.
tartiibsanaansho ld tartiibsnaan.
tartuuqsan Degdegsan.
tartuuqsanaan eeg tartuuqsan. ld tartuqsanaansho.
tartuuqsanaansho ld tartuuqsa-naan.
tasarruf (1) ld tasarrufid.
tasarruf (2) Hanti aan la lahayn si xun u isticmaalid.
tasarrufid eeg tasarruf². ld tasarruf¹.
tasayn eeg tasee.
tasee Wax qarin.
taseec 1. Wax u t.: wax u tilmaamid, u sarid. 2. (f.mg) Wax u tarid.
taseecid eeg taseec.
tashad eeg tasho. ld tashi.
tashi ld tashad.
<< < 1421 1422 1423 1424 1425 1426 1427 1428 1429 1430 1431 > >>

 

Exit mobile version