tegniko Farsamo gacanta laga qabto.
tegnoloji Cilmiga farsamada ama sancada horumarka leh. ld tegnolojiyo.
tegnolojiyo ld tegnoloji.
tejil Awr ama nafley oo xoog badan.
tel Seri; xasaw.
telef1 T. ah: aan caaqibo dambe la-hayn. telef2 Wax isticmaal gabay noqosho. telefishen1 Raadiyaha la iska arko. ld telefisyoon. telefishen2 (tegno.) Hab isgaarsineed lagu gudbiyo wararka maqalka iyo muuqaalka. Qaybta ugu muhiimsan hab isgaarsiinta waa kamarada telifishanka oo wararka aragga u beddesha sinyaale danabeed, raacaya mareegta si loogu habeeyo hirarka baaha. Herarkaasi marka ay soo qaadhaan qaybta telefishinka, waxa uu telefishinku u beddelaa hummaag ka muuqda iskiriinka. ld telefisyoon. telefisyoon ld telefishen¹.
telefoon ld taleefan.
telefooniiste 1. Qof aqoon u leh farsamada teleefoonka. 2. Qof ka shaqeeya xiriirinta teleefoonka.
telekis Aalad wararka la isugu tabiyo oo awtomatig ah.
telfid eeg telef².
tembi (dii.) Kutub ka mid ah kutubta axkaamta islaamka.
temmadi Ku t.: meel u socosho.
temmadin eeg temmadi.
temmedi Wax qiimayn.
temmedin eeg temmedi.
temmin1 Qiime, sicir. ld tammin¹. temmin2 1. Wax qiimo ama tixgelin gaar ah siin. 2. Qof xurmayn. ld tammin². temminid eeg temmin². ld tamminid.
teneg 1. (Tunuug, m.dh) Weel bir ah oo wax lagu shubto. 2. T. ah: qof nacas ah.
termuus ld tarmuus.
terniig ld tarniig.
teyoodhalayt (c.fal.) Aalad loo isticmaalo qiyaasta fogaan xagleedka kacsan iyo tan fuqa ah, waxana lagu sameeyaa diirad, taasoo dhaqdhaqaaqeeda si sax ah loo xukumi karo.
teys Orgi.
teysali Jaad ka mid ah geedaha.
teyso 1. Xilli barwaaqo ah oo guga bartamihiisa ku abbaaran. 2. Barwaaqo.
ti ld tiisa².
page : 1433 of 1584
<< < 1428 1429 1430 1431 1432 1433 1434 1435 1436 1437 1438 > >>