timaxiirid Hab xiiridda timaha loo qurxiyo. ld timaxiir.
timil 1. Xoog; awood. 2. Karti. 3. Eed; godob.
timir 1. Geed u eg geedaha baarta. 2. Miraha geedkaas ka baxa, sonkor baa ka buuxda, laf yar oo adagna way ku dhex-jirtaa.
tin Daliigo jillicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleeyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
tinhawleed Guudka fardaha in ka mid ah.
tiniin Imbili dhexda dun laga gashay oo carruurtu ku ciyaarto.
tiniinix 1. Bocoosha badda kuwo ka mid ah oo midabyo badan. 2. Midabyo badan.
tininig Cod lagu muujiyo shagagax ama shanqar dab.
tinmood 1. Cudur timaha ku dhaca. 2. (u) Marka timaha la shanleeyo tintinta soo go'da.
tinnaar Weel qaab aashuun leh oo dhoobo ka samaysan muufadana lagu dubo.
tintaafyo (daaw.) (kabillariyada) Xidid-dhiigyo aad iyo aad u yaryar, sida timaha oo magacoodu ka yimid. Tintaafyadu waxay ku sameeyaan shabaag soohyada (xubnaha) oo dhan waxa dhiigga u keena halbowlayasha yaryar, waxaana ka qaada xididdada yaryar. Tintafyadu jirmigoodu wuxu ka sameysanyahay hal unug, taasoo suuro gelineysa. Kala bedelka: oksijiinka (O2), karbondiyok-saydka (C)2), biyaha (H20), cusbooyinka, iwm oo ka dhex dhacaya jirka iyo soohyada.
tintaf (c.nafl.) Nooca ugu dhuudhuuban dhuumaha dhiigga ee habdhiska wareegga dhiigga ee lafdhabar-leyda.
tintafid Raad la xiriira gigsanaanta dusha ee dareere, waana tan keenta inuu dareere kor u raaco ama hoos uga soo dego dhuunyaro ligan.
tiqraar1 Shay adag oo la kala dhexgeliyo laba wax si ayan isu qabsan. ld taqraar¹. tiqraar2 Shay adag laba wax kala dhex gelin si ayan isu qabsan. ld taqraar². tiqraaran Wax la tiqraaray ahaansho. ld taqraarqan.
tiqraarid eeg tiqraar². ld taqraarid.
tiqraarnaan eeg tiqraaran. ld taqraarnaan, taqraarnaansho, tiqraar-naansho.
tiqraarnaansho ld tiqraarnaan.
tir 1. Wax muuqooda baabi'in. 2. Ka t.: wax wasakh ka sifayn.
tiraab1 1. Erey, hadal ama dhawaaq afka ka soo baxay. 2. ld tiraabid. tiraab2 (nax.) Hadal aan qornayn (eeg af tiraab). tiraab3 Hadlid. tiraabid eeg tiraab³. ld tiraab¹ (2).
tiraale 1. (nax.) Tirooyinka cayima inta ay la egtahay tirada shayga laga hadlayo. Tus. “3 buug; 6 nin, iwm”. 2. (nax.) T. jago: tiro tilmaanta sida ay u kala sarreeyaan ama darajada ka dhexeeysa noolayaal ama ashyaa. Tus. “koobaad, labaad iwm”.
tirabbadan Wax mahiigaan ah ahaansho.
tirabbadnaan eeg tirabbadan. ld tirabbadnaansho.
tirabbadnaansho ld tirabbadnaan.
tirabbeel Wax tiradoodu xadkii dhaaftay.
tirabbuur Wax ama dad meel wada jooga dhanka tiradoodu u badantahay.
page : 1440 of 1584
<< < 1435 1436 1437 1438 1439 1440 1441 1442 1443 1444 1445 > >>