toddobabixis ld toddobabixin.
toddobamaggaarto (daaw.) Cudur dadka iyo xoolaha ku dhaca, murqaha iyo seedaha kojiya oo si dhaqso ah u dila; kojiye; teetano.
toddobo ld toddoba.
tog1 Meel godan oo biyo mareen ah. tog2 (juqr.) Biyo mareen lama degaan kaa soo badanaa engegan, oo biyo leh kaliya xilli roob badan kaddib. Togaggu waxay guud ahaan ku baaba'aan lamadegaanka dhexdiisa, waxa laga yaabaa inay ka siilaabmaan lamaddegaanka laftiisa, ama dhalaalidda barafyada ee buuro fog. tog3 1. (f.g) Wax kala taagid. 2. (f.mg) Tog ku dhex socosho. tog yare (juqr) Meel hoos u dhax dhuuban oo dheer oo laga helo dhulka dushiisa, oo ka yar dooxo kana ballaaran qaranqaar.
togan1 Wax la togay noqosho. togan2 1. Wax la togay ahaansho. 2. (xis.) Wax eber ka badan ahansho. togane1 Tiro xisaabeed oo eber ka badan. togane2 (kiim.) Labada saldanab, isla eg oo walxuhu leeyihiin middood oo aan elektaroonno xambaarsanayn. togasho eeg togo.
togayo 1. Soocidda. 2. Wax middooda xulka ah.
togid eeg tog³.
togmid eeg togan¹.
tognaan eeg togan². ld tognaansho.
tognaansho ld tognaan.
togo 1. Xoolo iwm oo meel tuban wax ka doorasho. 2. Xarig iwm jiidasho.
togox Dhexyaraanta qof dhex yaryahay.
togtogan Teetano.
tol1 1. Dad xiriir wada dhalasho amo sheegasho ka dhexeeyo. 2. Qaran. tol2 1. Laba wax oo kala go'an ama kala dillaacsan wax is kula qabasho. 2. Hal ilmo diiddey qallacid. tolan1 Liilan dheer oo saamaha laga jeexo oo kabaha lagu tolo. ld tolon. tolan2 Wax la tolay ahaansho. tolay Weel qabo (geed), caw, argeeg iwm ka samaysan. ld tolayo.
tolayn eeg tolee.
tolayo ld tolay.
tolee Wax tolka leeyahay ka dhigid.
tolid eeg tol². ld tolniin.
tolla'aan 1. Qaraabo la'aan. 2. Kaalmo la'aan.
page : 1445 of 1584
<< < 1440 1441 1442 1443 1444 1445 1446 1447 1448 1449 1450 > >>