togan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gmay, -gantay; -gmi)

Wax la togay noqosho.

togan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gnaa, -gnayd)

1. Wax la togay ahaansho. 2. (xis.) Wax eber ka badan ahansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh togan

eber [m.l]
1. Tiro xisaabeed oo marka ay kaligeed tahay aan macne lahayn, laakiin marka tiradu midig ka raacdo toban ku dhufata. 2. Barta kala barta toganaha iyo tabanaha xisaabta. 3. E. ah: wax ama meel maran. ebar

ogsidhayn [m.dh]
(kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaadiyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. ld ogsidheeye.

ugu hooseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.

abnaq [m.l] (-qyo, m.dh)
(xis.) Tirada soo baxda marka la isku dhufto dhammaan abyooneyaasha togan ee ka yar ama le'eq abyoone togan ee la isa siiyey. Abnaqa abyoone n oo loo qoro n! waa: (n - 1) (n - 2) (n - 3) ... 3. 2. 1. Cidala isku raacay o! = 1.

abyoone [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka idil ee togan iyo kuwa taban; 0, 1, 2, 3, 4, ... Abyooneyaasha togan ee 1, 2, 3, 4,... waxa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo ama kuwa wax lagu tirsado.

asiidh [m.l] (-dyo, m.dh)
(kiim.) 1. Nooc iskudhis ah oo leh haydarojiin kuna kalafurma biyaha oona saara ayoonno togan oo haydarojiin ah. 2. Aragtida lowri-boronistidh ee asiidhada iyo beysyada (1923), waxay qeexiddaa hore u ballaadhisay, in asiidhu tahay borotoo.

atam [m.l] (-myo, m.dh)
(fiis.) Saxarka ugu yar ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay bu' iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu'du waxa ay siddaa saldanab togane ah, elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa dhexdhexaad. ld atom.

ayoon [m.dh] (-nno, m.dh)
(kiim.) Atam ama koox atamyo ah oo lumiyay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanab togan (a. togan), ama helay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanabtaban (a. taban). Weliba eeg aayoonayn.

ayoon-taban [m.l] (-nno ..., m.dh)
(kiim.) Ayoon saldanab taban leh, oo sameysma marka atamyada ama molikiyuulada lagu daro elektaroonno. Marka danabsoocidda la sameynaayo, ayoonada taban waxa jiita qotinka togan.

ayoon-togan [m.l] (-nno ..., m.dh)
(kiim.) Ayoon saldanab togan oo ka dhashay atammo ama molikuyuullo laga xayuubiyey elektaroonno. Marka danabsoociddu dhacayso, ayoon-toganayaasha waxa jiita qotinka taban.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg