tooxnaan eeg tooxan. ld tooxnaansho.
tooxnaansho ld tooxnaan.
tooxo Qaanso boqon ku giigsasho.
tooxsasho eeg tooxso. ld tooxsi.
tooxsi ld tooxsasho.
tooxso Qof hawl keli qabasho.
tooxweyn Nooc maryaha la guntado ka mid ah oo ballac weyn leh.
tooyasho eeg tooyo.
tooyo Cid haybteeda weyddiin.
toqfal Shaqfal.
toqli Qof meel uu ka xanxantoonayo ka taabasho.
toqlin eeg toqli. ld toqlis.
toqlis ld toqlin.
toqlo Xatxatada qofka jirkiisu dareemo.
toqloo Toqlo dareemid.
toqlood eeg toqloo.
torobosfeer (juqr.) Lakabada hoose ee gibilka, sida kuwa ka hooseeya toraatosfeerka, kuwaasoo ka soocan torobosfeerka, wuxuu dherer ahaan fidsanyahay 11 Km ilaa oogada dhulka ee jiidda dhexdhexaadka ah.
tororog Hadal badan oo aan macna lahayn.
tororoglee Hadal badan oo aan macna lahayn sheegid.
tororogleyn eeg tororoglee.
tortor1 1. Wax qurun ka batay darti, la googo'ay, la mataataxay. 2. ld tortorid. tortor2 Wax tortor ah noqosho. tortorid eeg tortor². ld tortor¹ (2).
tow ld teb.
towid ld tebid.
towtow War aan murti lahayn.
towxiid ld tawxiid.
toxob 1. Cadad yaryar oo xalxalleefsan oo dusha iska saarsaaran oo kalluunka iyo haqa qaarkii dhawraarin ahaan, korka kaga rogan. 2. Dadka dubkiisa hollob ka kacda. 3. Lakab taxane ah oo xabagaysan: kaas oo daboola qaybta hawada u baxsan ee geedka. Waxa dhiijiya dubduleedka, shaqadeeda ugu muhiimsanina waxa weeye ka hortagga biyo lunka geedaha.
trobosfeer ld torobosfeer.
tu (kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya; mid. Tus. “Tu wanaagsan baan ku toosay”.
page : 1450 of 1584
<< < 1445 1446 1447 1448 1449 1450 1451 1452 1453 1454 1455 > >>