tu' 1. Cudur xoolaha ku dhaca. 2. ld tuu.
tu'i Awr fadhiisin. ld ju'i, tuji.
tu'in eeg tu'i. ld ju'in, tu'is, tujin.
tu'is ld tu'in.
tu'sasho eeg tu'so.
tu'so Awr fadhiisisasho.
tub1 Dhabbe; waddo. tub2 (c.fal.) Jidka ay maraan walxaha samaddu marka ay dulalaatiga dhex jiirayaan iyadoo loo fiirinayo bar la doortay. Tubta dhulku waa jidka uu maro dhulku marka uu ku meereysanayo qorraxda. tub3 Wax badan meel isugu keenid. tub qorraxeed Jidka qorraxdu ay u muuqanayso inay marayso.
tubaako Buuri. ld tabaako, toonbaakh.
tubaal 1. Wax badan oo meel wada tuban. 2. Dab aad u weyn.
tuban Wax la tubay ahaansho.
tubayn eeg tubee.
tubbasho eeg tubbo.
tubbo Ku t.: meel ku hagaagid.
tubee 1. Wax meel dhoobid. 2. Xoolo badan meel marid.
tubi Xoolo wadid.
tubid eeg tub³.
tubiiste Farsamoyaqaanka tubooyinka.
tubin eeg tubi.
tubkujoog 1. T. ah: qof socdaal ah oo aan dhabbaha ka leexanayn. 2. T. ah: Qof safar ku jira oo weli aan gaarin meeshii uu u safraayay; jid-kujoog.
tubnaan eeg tuban. ld tubnaansho.
tubnaansho ld tubnaan.
tubsi Meesha ugu fog oo wax laga nishaabo.
tubul Wax ama dad isu tegey oo meel dheer ka muuqda oo aan si fiican loo arkin.
tuduc 1. Harag la soohay oo laba ama saddex la isugu qabto middood. 2. Dhawr tix oo gabay ah oo isku mowduuc ka hadlaya.
tuf1 1. Cudur lafaha gala; riix. 2. Duco; karaamo. 3. Kasoobbax halis ah. tuf2 (daaw.) Cudur aalaaba caruurta ku dhaca iyo dhallinyarada wuxuuna ka kacaa infekshin qaybta neefsashada inteeda sare oo uu keeno baktiiriyada “haemolitic streptococci”. Astaamo: qandho, xubnoholac, marbamarka ka dambeysa xubin saameynaya, baro cascas ee maqaar ka kuuskuus yaryar oo aan xanuun lahayn ama lafo soo baxsan sida xusulka, dhaqdhaqaaq ogaan la'aan oo aan caadi ahayn ee addimada iyo madaxa (chorea) iyo hallamacood wadnaha gufafkiisa iyo xuubka ku daboolan (pericardium). tuf3 1. (f.g) Wax afka ku jira dibad u soo saarid. 2. (f.mg) Ku t.: cid u ducayn.
page : 1451 of 1584
<< < 1446 1447 1448 1449 1450 1451 1452 1453 1454 1455 1456 > >>