Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mudniin
tun2  1. Badar iwm buushe ka saarid. 2. Cid ul la dhicid. 3. Wan dhufaanid. 4. Sacab t.: sacab isku garaacid. 5. U sacab t.: cid ballan ka qaadid ama taageerid. tundura  (juqr.) Bannaanada aan dhirta lahayn ee woqooyiga maraykanka iyo woqooyiga yurayshiya, oo inta badan ku yaal goobada Aartik iyo dhinaca woqooyi ee kaynaha caleen irbadleyda, ma jiro gobol weyn oo dhigmaa kubbad-badhka koonfureed. Sannadka intiisa badan celceliska heerkul bileedku wuu ka hooseeyaa barta biyuhu ku barafoobaan, jiilaaladuna aad bay u dheeryihiin una qabow yihiin, dhulkana waxa qariya baraf, xagaayadu way gaabanyihiin oo diiranyihiin, laakiin xataa luulyo celceliska heerkul bileedku kor uma dhaafo 10° C ah.
tunjileec  Tabar darro cid lagu dareemay oo lagu haadsado.
tunjileecsasho  eeg tunjileecso. ld tunjileecsi.
tunjileecsi  ld tunjileecsasho.
tunjileecso  Cid tabardaran maagid.
tunsii  Ku t.: ku tumasho.
tunsiin  eeg tunsii.
tunuug  eeg teneg.
tuqtuq  Si tabar yar oo loo socdo.
tuqtuqlee  Cid si tabar yari ku jirto u socosho.
tuqtuqleyn  eeg tuqtuqlee.
tur  U tur: cid u naxariisasho.
turaab  Carro laga soo qaado shiikh la qaddariyo xabaashiisa si barako looga helo.
turaal  Naxariis cid loo galo. ld turniimo, turniin, turniinsho.
turaanturrayn  ld turunturrayn.
turaanturree  ld turunturree.
turaanturro  ld turunturrayn.
turaanturyayn  ld turunturrayn.
turaanturyee  ld turunturree.
turbi  1. Gurbaan yar. 2. T. ah: qof xoog badan.
turbid  eeg turub².
turci  ld tirci.
turcid  ld tircid.
turcin  ld tircin.
turid  eeg tur.
turjubaan1  Afceliye; afhayn. ld turjumaan¹. turjubaan2  1. Laba af isku beddelid. 2. Ka t.: laba qof oo aan is af garanayn is af garadsiin. ld turjumaan². turjubaanid  eeg turjubaan². ld turjumaanid.
turjubaannimo  Turjubaan ahaansho. ld turjumaannimo.
page : 1455 of 1584
<< < 1450 1451 1452 1453 1454 1455 1456 1457 1458 1459 1460 > >>

 

Exit mobile version