uumis ld uumin.
uumitee Hilib uumito ka dhigid.
uumiteyn eeg uumitee.
uumito Hilib uumi kulul lagu bisleeyey.
uumo (uuntay, uumatay) Ilaah wax abuurasho.
uun1 1. Wax kastoo Alle uumay. 2. Uumi. uun2 (uumay, uuntay; uumi) Eebbe wax abuurid. uun3 1. Keliya. Tus. “Carruurta uun caanaha sii”. 2. Mid kastaba ha ahaadee. Tus.”Nin uun weyddii”. 3. Mid aan cayinnayn, mid aan la garanayn. Tus. “Wiil uun baa noo sheegay”. uunmid eeg uuman².
uunnaan eeg uuman³. ld uunnaansho.
uunnaansho ld uunnaan.
uunrays Dabagaalle; tukulush.
uunsad ld uunsasho.
uunsan 1. Wax uunsi lagu shiday ahaansho. 2. Wax la uumiyey ahaansho.
uunsanaan eeg uunsan. ld unsanaansho.
uunsanaansho ld uunsanaan.
uunsasho eeg uunso.
uunsi Walxo laysku dardaray oo laysku kariyey, udgoon oo loo qiijiyo in lagu carfiyo jir, dhar ama meel; khumkhum. ld uunsasho.
uunso Uunsi shidasho.
uur 1. Inta u dhaxaysa bogga miskaha iyo laba kelliyood waxa ku jira: beerka, caloosha, xiidmaha iwm. 2. Ilma galeenka cunuggu ku jira kolka uu dusha ka muuqdo oo calool weyn u ekaado. 3. Laabta.
uurayn eeg uuree.
uuraysasho eeg uurayso.
uurayso Uur yeelasho.
uurbays Xirmo qaad ah oo ka kooban dhawr laamood.
uurdhagax Qare adag oo aan la jebin karin.
uurdhagaxoobid eeg uurdhagaxow.
uurdhagaxow Uurdhagax noqosho (qare).
uurdoox Cunugga aan sida caadiga ah u dhalane bogga hooyadiisa laga soo saaray; bogdoox.
uuree 1. Uur u yeelid (siiba naag aan la qabin). 2. Uuro kicin.
uurgubyoo Tiiraanyo aad ah dareemid.
page : 1472 of 1584
<< < 1467 1468 1469 1470 1471 1472 1473 1474 1475 1476 1477 > >>