uurgubyood eeg uurgubyoo.
uurjiif1 Ilmaha weli uurka ku jira. uurjiif2 (baay.) Heerka ugu horreeya ee koritaanka xayawaanka, laga soo bilaabo marka ugxanta bacrintay ay bilowdo inay qaybsanto, iyada oo ku jirta organnada taranka ee hooyada ilaa ay ka dillaacayso ama ka dhalanayso. uurkoole Magac ay caan ku yihiin herinta ugaarsatada ah, wuxuuna tilmaamayaa in ay yihiin isku uur oo aanay wax kala qarsan.
uurkubaalle 1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.
uurkucirroole Nin xaakiim ah ama waayoaragnimo dheeraad ah leh.
uurkuhar Ilmo aabihiis dhintay iyagoo uurka ku jira.
uurkujir Inta uurka ku jirta, sida: beerka, kelyaha, caloosha iwm; uusley.
uurkummaanle Qof waxgaradnimo iyo caqli badan leh oo la moodo in uu la socdo waxa qofka la hadlayaa ku fekerayo.
uurkuqaad Illaabi waayidda la illaabi waayo wax lays yeelay. ld uurkusiddo.
uurkusiddo Utun iyo ciil uurka ku raaga.
uurkutaallaysan Wax uurkutaallo hayso ahaansho.
uurkutaallaysnaan eeg uurkutaallaysan. ld uurkutaallaysnaansho.
uurkutaallaysnaansho ld uurkutaallaysnaan.
uurkutaallo Dareen iyo uurxumo gocasho ku dheehan tahay leh.
uurkutaalloo Uurkutaallo dareemid.
uurkutaallood eeg uurkutaalloo.
uurmaran Naasley aan uurkeeda ilmo ku jirin.
uuro 1. Boor ama qiiq madow oo kacsan. 2. Biyo dhoobo ku qasantahay oo aad u calawsan. 3. Midab xooluhu yeeshaan oo madow, guduud iyo cawl isugu dhafan.
uuroobid eeg uurow.
uuroowid (baay.) Xaalad uurqaadid, marka shahwada labku bacrimiso ukunta dheddigga dhuunta falloobiyo dhexdeda.
uurow Uur qaadid ama yeelasho.
uurqaad U. ah: gaaridda neef dheddig uu gaaro da'uu ku rimi karo; awrqaad. ld awrqaad.
uurrays 1. Dabaggaalle. 2. Ubad geel ama dad oo diifeysan ama korriimmadii ka xumaatay.
uursamaan eeg uursan. ld uursa-maansho.
uursamaansho ld uursamaan.
uursami Dabci wanaagsan oo qof leeyahay oo u diida in uu xumaan uurka ku hayo.
uursan Qof uurfiyow ahaansho.
uurweynaad Cudur dadka ku dhaca oo beeryarada barariya, uurkana weyneeya. ld caloolweynad.
uurxaad Geednagaar dooxooyinka ka baxa oo xooluhu daaqaan.
page : 1473 of 1584
<< < 1468 1469 1470 1471 1472 1473 1474 1475 1476 1477 1478 > >>