Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: jeeraarin
uurxaaran  Qof aan cidna xumaan qalbiga ugu hayn ahaansho.
uurxaarnaan  eeg uurxaaran. ld uur-xaarnaansho.
uurxaarnaansho  ld uurxaarnaan.
uurxumaan  eeg uurxun. ld uur-xumaansho.
uurxumaansho  ld uurxumaan.
uurxumi  ld uurxumo.
uurxumo  Dabci aan wanaagsanayn oo qof leeyahay oo u diida in uu illaabo waxa loo geysto. ld uurxumi.
uurxun  Qof aan cidna sama ka filaneyn ahaansho.
uuryaal  1. Xanuunka ay ummushu dareento marka ilmasidaheedu isku soo uruurayo. 2. (-llo, m.dh) Uurjiif. 3. Wax indhuhu aanay qaban karin.
uuryaro  Uur aan caloosha ka muuqan wallacna dhaafay; bilayaro.
uus  Cunnada nafaqada laga baxay oo ku jirta caloosha iyo xiidmaha (xoolaha daaqa).
uuslaho  ld uusley.
uusley  Caloosha xoolo daaqa; uuskujir. ld uuslaho.
uusmiir1  ld uusmiirid. uusmiir2  Neef geel ah oo la qalay calooshiisa biyo ka miirid. uusmiirad  ld uusmiirasho.
uusmiiran1  Wax la uusmiiray noqosho. uusmiiran2  Wax la uusmiiray ahaansho. uusmiirasho  eeg uusmiiro. ld uusmiirad.
uusmiirid  eeg uusmiir². ld uusmiir¹.
uusmiirmid  eeg uusmiiran¹.
uusmiirnaan  eeg uusmiiran². ld uusmiirnaansho.
uusmiirnaansho  ld uusmiirnaan.
uusmiiro  Neef geel ah oo la qalay calooshiisa biyo ka miirasho.
uusxabaal  Qof tuug ah oo ariga uu qasho hilibkiisa inta uu cuno mooyaane inta kale qarsha.
uuyo  Meesha sagaaradu saaladeeda ku uruuriso.
uyaal  magacuyaal.
w  (wa') Xarafka kow iyo labaatanaad ee alifbada af soomaaliga waana shibbane.).
waa1  Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'. waa2  1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.
page : 1474 of 1584
<< < 1469 1470 1471 1472 1473 1474 1475 1476 1477 1478 1479 > >>

 

Exit mobile version