Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: bedertami
dhogorrogmasho eeg dhogorrogo. ld dhogorrogmad.
dhogorrogmo Neef xoolo ah caatoobid.
dhogorrogo Xoolo, dugaag iwm dhogor cusub u soo bixid, isagoo araggiisu wanaagsanaaday.
dhogorsamaan eeg dhogorsan. ld dhogorsami.
dhogorsami ld dhogorsamaan.
dhogorsan Wax arag wanaagsan ahaansho (nafley).
dhohondhoh Nafley, bogga iyo caloosha isku dhegid baahi darteed.
dhohondhohid eeg dhohondhoh.
dholol Ku dh.: arrin horay si faahfaahsan looga hadlay ku celcelin.
dhololid eeg dholol.
dhombol ld dhambal².
dhoob (1) 1. Dhoobo. 2. Weel dhoobo laga sameeyey.
dhoob (2) Midab ri'cad dhabannada uga yaal.
dhoob (3) 1. Wax badan meel isugu ururin. 2. Guri, xafiis iwm salaaxid. 3. Fallaar, gammuun iwm waabaayo marin.
dhoobad ld dhoobasho.
dhoobammiir (1) Wax biyaha dhoobada lagaga miiro.
dhoobammiir (2) Dhoobo ka miirid (biyo).
dhoobammiirad ld dhoobammiirasho.
dhoobammiirasho eeg dhoobammiiro. ld dhoobammirad.
dhoobammiirid eeg dhoobammiir².
dhoobammiiro Biyo qasan miirasho.
dhooban (1) 1. Wax badan oo meel isugu urursan noqosho. 2. Wax salaaxmay noqosho (guri, xafiis iwm). 3. Wax waabaayo marsantahay noqosho (fallaar, gammuun iwm).
dhooban (2) 1. Wax badan oo meel ku urursan ahaansho. 2. Wax salaaxan ahaansho (guri, xafiis iwm). 3. Wax waabaayo marsantahay ahaansho (fallaar, gammuun iwm).
dhoobasho eeg dhoobo³. ld dhoobad.
dhoobbi Nin geel ijaar ku ilaasha; qowsaar.
dhoobee Wax dhoobo ku maluuqid.
dhoobey 1. Dhul markuu roob ku da'o ciiddiisu noqoto dhiiqo aan lagu socon karin. 2. Dhul ciiddiisu dhoobo tahay; carramadow.
dhoobeyn eeg dhoobee.
dhoobeysan Wax dhoobo la mariyey ahaansho.
dhoobeysasho eeg dhoobeyso.
<< < 145 146 147 148 149 150 151 152 153 154 155 > >>

 

Exit mobile version